Alshabaab oo si arxan darro ah udishay Dad shacab ah oo ay ku sheegeen in ay katirsanaayeen Ha’yadda NISA.

Kooxda AL-shabaab ayaa sheegatay in ay iyadu ka dambeysay saddex qof oo xalay lagu dilay Xaafadda Baar Ha i dhaafin ee u dhaxeysa labada buundo ee degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab.

War ka soo baxay AL-shabaab ayey ku sheegeen in saddexda qof ee la toogtay ay ka mid ahaayeen hay’adda sirdoonka Soomaaliya qeybteeda dharcadka ah.

Waxaa ay AL-shabaab intaas ku dartay in ay kooxdaasi ay dileen ka qaateen Baskoolado ay ku hubeysnaayeen Ragga la weeraray oo Mooto Fekon watay.

Al-shabaab waxaa kale oo ay sheegteen dil xalay ka dhacay Degmada Dharkenley gaar ahaanna xaafadda loo yaqaan dabaqeynka.

Koox hubeysan oo ka tirsan AL-shabaab ayaa xaafaddaas ku dilay sarkaal ay AL-shabaab magaciisa ku sheegtay Maxamed Cismaan Calasow oo labada xigle ahaa sida ay sheegatay AL-shabaab.

Hay’adaha amaanka ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kama jawaabin sheegashooyinka AL-shabaab ee dilalka xalay ka dhacay Muqdisho.

Waxaa ay ku soo aadayaan iyada oo dhawaan isbeddel iyo isku shaandheyn lagu sameeyay Taliyada Booliska Gobolka Banaadir ee saldhigyada degmooyinka iyo kuwa qeybaha.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*