Cajiib:Gudoomiye Cabdiraxman Cirro oo Qaaday talaabo Soomalinimo Leh,Soomali Badana U Istaageen

Cabdiraxman Ciro Gudoomiyaha Xisbiga wadani ee Soomaliland Ayaa Noqday Ninkii Ugu Horeeyey Masuul Maamulkaasi Kana dabqaday xanuunka Dhibaatada Baladweyne ,Wuxuuna Soo Dhigay Fariin uu Dadka Kula Wadaagayo.

Cirro Ayaa Yiri”Walaalayaal; waxa aan sinnaba looga aamusi karin masiibada dabiiciga ah ee ku habsatay dadka Soomaaliyeed ee ku teedsan Wabiga Shabeelle gaar ahaan Magaalada Beledweyne. Sawirada iyo muuqaalada argagaxa leh ee laga soo tebinayaa waxa ay inoo muujinayaan waxyeelada weyn ee soo gaadhay dadkaa Soomaaliyeed ee aynu walaalaha nahay isla markaana dhiig iyo dhaqanba wadaagno.

Waxa aan dhammaan shacabka reer Soomaalilaan ugu baaqayaa kana codsanayaa in ay u fidiyaan gargaar isla markaana gacan ka geystaan gurmadka loogu jiro samata-bixinta maatada waxyeeladu soo gaadhay ee reer Baladweyn.

Baladweyn Allahayow, balayaada hareer mari.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*