Ciidanka DFS oo cabsi aawgeed uga guuray saldhig muhiim ah oo ay kulahaayeen duleedka Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Federaalka ah ka guureen saldhig ay ku lahaayeen inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar.

Ciidamada ayaa la xaqiijiyay in ay saaka faarujiyeen saldhiggii Tuulada  Ceel Gooloow oo hoostaga Degaanka Qalimow ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Ciidamada ay u soo roqaansadeen dinaca Magaalada Muqdisho mana cadda sababta ku kalliftay in ay banneeyaan saldhigoodii Ceel Geelow.

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa durba sheegtay in ay dib ula wareegeen Saldhigga markii ay isaga guureen Ciidamada dowladda.

Al-shabaab waxaa ay sheegeen in Ciidamada ka baxay Ceelgeelow qarax lagu beegsaday Gololey oo iyana ku dhow Degmada Balcad.

Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasin Furdo oo aanu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday kahadalka arrintan isaga oo naga codsaday in aan kala xiriirno cid kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe.

Waddada isku xirta Jowhar iyo Balcad ayaa u go’an amni darro darteed,waxaa ku badan weerarrada tooska ah iyo Miinooyinka,waxaana dhamaan xubnaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle ku tagaan Jowhar diyaarad kaliya.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa horay u sheegay in Al-shabaabka looga adkaaday Gobolka shabeellaha hoose ay u wareegeen Gobollada Hiiraan iyo Shabeelllaha dhexe islamarkaana dhib badan ku hayaan dadka Maamulka Hirshabeelle.

Dowladda Federaalka ah iyo Howlgalka AMISOM ayuu ka codsaday in ay ka gacan siiyaan dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*