DAAWO:- Beelaha dega gobolka Awdal o ku midoobay dagaal ka dhan ah Somaliland + Maleeshiyaad xurnimo udirir ah oo la diyaariyay iyo Sland oo yaaban.

Qaar kamid ah waxgaradka iyo Cuqaasha Beelaha dega Magaalada Boorame ee gobolka Awdal ayaa waxay iclaamiyeen Dagaal kadhan Ciidamada Somaliland, kadib dhibaatooyin badan oo loo geystay qaar kamid ah bulshada Beelahaasi.

Kulan cuqaashu ay isugu yimaadeen ayay kaga sheekeeyeen dhibaatooyin ay ugeysatay xukuumadda Muuse Biixi Iyagoona si gaar ah ugu hanjabay wasiirka arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo ay sheegeen inuu dhibaatooyin badan ka geystay magaalada Boorame.

Dhinaca kale axay sheegeen in ay diyaariyeen Maleeshiyaad difaacda deegaanka iyo dadka oo la dagaalanta ciidanka RRU-da ee mararka qaar howlgallada ka fuliya magaalada kuwaas oo ay sheegeen in aysan hada kadib soo gali karin magaalada.

HALKAAN KADAAWO

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*