DAAWO: Cali Khaliif oo Kasoo Quustay Soomaliland Mar kale Doonaya Bulshada SSC Inuu Marin Habaabiyo

Cali Khaliif Galaydh oo In Mudo Ah Hargeysa Xarun ka Dhigtay Ayaa Iskaga Tagey Isagoo Muqdisho u Duulaya,waxaana Xiliga uu baxayey Isagoo ka cabsi qaba In Maamulka Soomaliland Xayiraad Saaran uu Sheegay Inuu Arimo Gaar Muqdisho U tagayo.

Dr cali Khaliif Ayaa Doonaya Inuu ka Aar Goosto Soomaliland Mar kalana maamul Deeganaadasi uu Kusoo Abaabulo.

Balse Cali Khaliif Ayaa Mar kale Muqdisho ka Bilaabay Shirar uu la Yeelanayo Xildhibaanada Iyo Wax Garadka SSC ee Muqdisho Ku Sugan,Ujeedada Shirkani Ayuu Doonaya Inuu mar kale Abaabulo Shir Maamul u samayn deeganadaasi oo Horay Isagoo Xil haya Soomaliland Ula Tagey.

HALKAAN KA DAAWO WARARKII

Kooxda Siyaasinta SSC oo Iyaga Laftooda Deegaanka Ku Fashilmay Ayaa Dhankooda La Abaabulaya Shir Weyne Kale oo Siyaasinta Goboladaasi Kaga Aqbalayaan In Dib Loo Soo celiyo Khaatumo .

Wararka Lagu Kalsoonan Karayo Ayaa Sheegaya In Kulamo Maal mahani Muqdisho Ku yeesheen Xildhibaanada Iyo Masuulinta Kasoo Jeeda Sool,Sanaag Iyo Cayn Iyo Cali Khaliif Galaydh.

Su’asha taagan Ayaa waxay tahay Mar kale Bulshada Deegaanka Ma amini karayaan Abaabulkani Cusub ee Dr cali Khaliif?

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*