
Ururka Dowlada Islaamiga ah ee IS ayaa markii ugu horeysay ka hadlay geerida hoggaamiyahoodii hore Abu Bakar al-Baqdadi iyagoo guddoomiye cusubna u magacaabay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi.
Afhayeenka cusub ee IS Abu Hamza al-Qurayshi ayaa warkan shaaciyay maanta kadib markii uu fariin cod ah soo duubay, Sidoo kale Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in la diley afhayeenkii hore ee ururkaas Abu al-Hassan al-Muhajir.
Aragtidaada Halkani Ka Dhiibo Waan Fasaxi Doonaa