DAAWO:- Duqii hore ee Muqdisho oo si qiiro leh uga hadlay xusuustiisa gumaadkii laba sano kahor ee Zoobe.

Taabid Cabdi Maxamed Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay qaraxii ka dhacay laba sano kahor Maanta oo kale Isgoyska 14 October ee Magaalada Muqdisho.

Taabid Cabdi ayaa waxaa uu sheegay in uu weli xusuusto gurmadkii guuleystay ee ummada Soomaaliyeed u sameeyeen dadkii shacabka ee ku waxyeeloobay Qaraxii noqday kii ugu xumaa ee abid ka dhaca Soomaaliya.

Sidoo kale oo Taabid Cabdi oo xiligaas ahaa Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Musiibadii waqtigaas dhacday aysan aheyn mid dowladda oo kaliya ay wax ka qaban kartay,hayeeshee uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan Gurmadka deg deg ah oo dadka dhibaateysnaa gargaar loo sameeyo.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu tilmaamay in wixii dhacay iyo dhibka intaas la eg ee ka dhashay uu ahaa mid aad u weynaa, isla markaana itaalka iyo tabarta dowladda iyo maamulkiisa aanay gaarsiisneyn in dhibka intaas la eg ee dhacay deg deg wax uga qabtaan.

Si kastaba Maanta ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga xusayaa qaraxaii ka dhacay Isgoyska 14 October ee Magaalada Muqdisho,kaasi oo ay ku geeriyoodeen boqolaal ruux,halka  ay ku dhaawacmeen boqolaal kale oo shacabka,isla markaana ku burburtay hanti farabadan.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*