DAAWO:- Erdoğan oo bahdil ku sameeyay Trump “Warqadii qashinka ayuu ku daray isla maalintaasna duulaanka ayuu bilaabay”.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa warqadda Donald Trump “ku dhex riday qashinka”, sida maanta ay qoreen qaar badan oo kamid ah warbaahinta caalamka.

Warqadda la qoray 9-kii bishan October, lana diray ka dib markii ciidamada Mareykanka ay ka bexeen Suuriya, wuxuu Trump ugu sheegay Erdogan: “Ha is adkeynin. Ha noqon doqon”.

Maalinta warqadda la gaarsiiyay, ciidamada Turkiga waxay billaabeen duullaan ay uga gudbeen xuduudda Suuriya oo ka dhan ah Kurdiyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here