DAAWO:- Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo Siyaasiyiin Caan ah oo kulan aan cadi ahayn isugu yimid.

Guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland (TPEC), ayaa maanta xafiiskooda kulan kula qaatay, xubno ka tirsan siyaasiyiinta Puntland oo qaarkood hore xilal uga soo qabteen Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Af-hayeenka guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland, Cabdinuur Sheikh Maxamed Isxaaq oo markii kulankaasi dhammaaday saxaafadda uga warbixiyay, ayaa sheegay in guddigu siyaasiyiinta ay la kulmeen ay u bandhigeen hawlaha u qabsoomay iyo qorshayaasha u degsan, si loo hirgeliyo barnaamijka xisbiyada badan ee loo xilsaaray.

Waxa kale oo uu sheegay, in siyaasiyiintu ay talooyin la xiriira hirgelinta barmaamijka xisbiyada badan, ay la wadaageen guddiga, islamarkaana ay talooyinkaasi u arkaan kuma muhiima u ah shaqada guddiga, isagoo uga mahadceliyay siyaasiyiinta ra’yigooda ay ku biiriyeen

HALKAAN KADAAWO

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*