DAAWO:- Maxkamadda Puntland oo lasoo taagay siyaasi lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay Deni iyo Xukuumadiisa.

Xeer ilaalinta Guud ee gobolka Bari Puntland ayaa faah faahin guud waxaa ay ka bixisay kiiska dacwadda ah ee loo heysto Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo dhawaan ay xireen Ciidamada Puntland.

Xeer ilaaliyaha Guud ee gobolka Bari ayaa sheegay in Siyaasiga uu sicad ugu gefay Garsoorka Puntland,isla amrkaana uu sheegay inay yihiin kuwa qaata laaluushka.

Waxaa uu sheegay in isaga laftirkiisa uu maxkamada ka hor qirtay kiiska lagu eedeeyey,isla markaana Sharciga waxaa uu ka qabo la marsiin doono.

“Garsoorka Puntland ayuu u gefay sababta ku kaliftay ma naqaano,balse dad ayaa lahaa siyaasad ayuu u xiran yahay laakin uma xirna,waxaana Diinta Islaamka iyo xeerarka dalka u yaalla ma baneneyneyso in qof la caayo ayuu yiri “Xeer ilaaliyaha gobolka Bari.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha Maxkamada Darajada 1aad ee gobolka Bari ayaa waxaa hadalkiisa uu intaasi ku daray in cid alaala cidii u geftay Garsoorka dalka inay cadaaladda hor keeni doonaan,isla markaana aysan ka aqbaleyn in loo gefo.

HALKAAN KADAAWO

Siyaasi Muuse Cali Jaamac ayaa maalma ka hor waxaa uu ka qeyb-galay kulan ka dhacay Magaalada Boosaaso,isaga oo Warbaahinta u Akhriyey bayaan ay soo saareen Odayaasha & Waxgaradka gobolka Bari oo shirkaasi yeeshay.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

3 Comments

  1. Madaxda Puntland iyo xukuumadda waa la caayi karaa oo la aflagaadeyn karaa oo la cambaareyn karaa maxaa yeelay waxay shaqaale u yihiin shicibka hoggaanka u dhiibtay. Waxaa keli ah oo dacwo lagu qaadi karaa qof ama koox dastuurka iyo sharciga Puntland ku xad gudba. Maahan wax la aqbali karo in shicibka si khaldan sharciga loogu adeegsado oo afka loogu qabto. Dein waxa uu yahay waa laga sheegi waana sax.

  2. ASC.
    KU:fanaxoow War adigaa reer bariga malaha af yaqaane ku dheh war nin intaas jira iskadaaya.War kaas waxuu yiraahdo wax ka soo qaad maleh oo waa nin uu cimrigiisii dhan u batay.

  3. Atoore sxb reer Bari waa is naqaanaa oo deegaano waa ku leenahay sida Caluula. Sxb dhibka jira baa wuxuu yahay in Cismaanku dhexdooda khilaaf ka jiro oo qaar ka mid ah iyo reer Bariga kale ay af garan waayeen siduu Siciid Deni u fikirayo oo u dhaqmaayo. Fara galin far dheeratay oo uu Cabdi Weli Cali Gaas fidnadeeda abuuray baa bariga qasaysa oo saad ogtahay labadan nin iyo jifooyinkooda way isku xirnaayeen oo UAE ayadana hoos bay ka xiran yihiin. Qaabka wax loo wado baa u cuntami la reer bariga oo idil. Fara galinta haddii laga daayo wax walba waa hagaagayaan Atoore.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*