DAAWO:- MD Axmed Madoobe oo Booqday deegaano uu ku fatahay Webiga Jubba

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kormeer ku tagay deegaano katirsan Gobolka Jubada Hoose oo uu ku fatahay wabiga Jubba.

Deegaanadan ayaa maalin kahor waxaa ka bilowday fatahaad uu samayay wabiga Jubba waxaana Dowlad Goboleedka Jubbaland ay ka bilowday halkaas gurmad deg deg ah kaas oo ay si aad ah ay ugu diirsadeen dadka deegaanadan ku nool.

HALKAAN KADAAWO

Waxaa la xiray dhamaan kanaaladii uu wabigu kasoo fatahay taas oo yaraysay Khasaaraha ka dhalan lahaa,waxaana fatahaada oo xili habeen ah bilaabatay ay saamayn ku yeelatay dhul beeredyo kala duwan.

Madaxweynaha ayaa kormeeray beeraha ay fatahaadu samaysay isagoo qaar kamid ah dadka beeraleeyda ah oo uu la kulmay u sheegay inay garab istaagayaan  si khasaaraha gaaray ay uga soo kabtaan.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*