DAAWO:- MD Madoobe oo soo dabcay sheegayna inuu diyaar u yahay inuu qaato guuldaradiisa.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa uu munaasibad sagootin ah u qabtay martidii uu ku casuumay xafladdii caleemasaarkiisa ee ka dhacday magaalada Kismaayo.

Axmed oo khudbad uu halkaas ka jeediyay kaga hadlay dhinacyo kala duwan ayaa xoogga ku saaray khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada, dagaalka AL-shabaab iyo sida looga gudbi karo qabyo qoraalka dastuurka.

Waxaa uu dowladda Federaalka ah ugu baaqay in ay faragelinta ka dayeso dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah.

Dowladda dhexe ayuu ugu baaqay in ay wada shaqeeyaan islamarkaana wixii madmadow ah meel la iska dhigo.

HALKAAN HOOSE KADAAWO MUUQAALKA

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*