DAAWO:- Mid kamid ah saladiinta Beesha Habarjeclo oo uhanjabay Muuse Biixi “Looma dulqaadan karo gardadaada”.

Xilli wali ay taagan tahay xaqiraadda iyo xurriyad la’aanta xukuumadda Muuse Biixi ku hayso qabaa’ilka iyo waxgaradka deegaanada Maamulkaasi ayaa waxaa dhinaca kale isa soo taraya hanjabaadda ay jeedinayaan Madax dhaqameedka Qabiilada.

Suldaanka Beesha Biciide, Habarjeclo Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo shir jaraaid uqabtay warbaahinta ayaa si carro ula hadlay xukuumadda Kulmiye isagoona gardaro ku tilmaamay habdhaqanka Muuse Biixi iyo Xukuumadiisa.

Suldaanka ayaa sheegay in beesha uu suldaanka uyahay uu ka dhamaaday dulqaadkii isla markaana hadda kadib ay qaadayaan tilaabooyin ay isaga celinayaan xadgudubyada xukuumadda Hargaysa.

Waxa uu soo hadal qaaday xarigii Somaliland ay ugeysatay Agaasimihii UnuversalTV xarunta Hargaysa, waxaana uu sheegay hadii aan agasimaha xuriyadiisa loo soo celin ay dhici doonaan waxyaabo aan horay loo arag.

HALKAAN HOOSE KADAAWO

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*