DAAWO:- RWasaare Kheyre oo Fariin Muhiim ah udiray Kooxaha Mucaaradkaee Xukuumadiisa.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuska maalinta calanka Soomaaliyeed ee October 12, ayaa caddeeyay in mas’uul walba oo Soomaaliyeed oo fursad u hela metelaadda qaranka, uu taariikhda dalka ku geli doono hadba sida uu uga qayb qaato ilaalinta qarannimada, madax bannaaninada, midnimada iyo xuduudaha Dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Calanka uu macna wayn u leeyahay umadda Soomaaliyeed, uuna u taaganyahay midnimada iyo xornimada ummadda, dhammaan danaha dadka Soomaaliyeedna ay ku jiraan dowladnimada, muhiimna ay tahay in mucaarad iyo muxaafidba dowladnimada la wada ilaaliyo, danta guud laga wada shaqeeyo oo la iska ilaaliyo in dowladnimada laga dhex raadiyo dan gaar ah.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

2 Comments

  1. Dhibka yaal maanta, isaga iyo saaxiibki ayaa aka dambeeyey, masuul ma noqon karo, Kibir nacasnimo ayaa ku jira, inta uu joogana Somaliya ma hagaageyso.

  2. Axmed wax sax ayaad is leedahay adigii ayaana caytamaya ma kula tahay Xasan Kheyre hadii uu berri is casilo oo iska tago in Soomaaliya hagaagtay? hadii Soomaaliya xalkeedu sidaa u fudud yahay sow ma wanaagsanaan lahayn? Waa ayo qofka aad is leedahay wuu ka fiican yahay Kheyre ee ay Soomaaliya hagaageyso hadii uu xilka qabto? mise waxaagu waa ninkaan iyo reer hebel ayaan necbahay reer hebel markaan ku leeyahay waan ogahay in aadan adigu sheegin reer hebel laakiin waxaan ku xasuusinayaa inuu ninka reer ka dhashay oo uu reer yahay, hadii ay tagaana Soomaaliya wey hagaagtay arrimahaa sow ma aha wixii markii horeba dalkaan dhibaatada geliyey ninkaa iyo reerkaa ayaan necbahay ee kuweygaa fiican ma ku laabanaa wixii aan soo marnay mise wax ayaan ka baranaa oo hore ayaan u soconaa wa taa su’aasha meesha taala? Kheyre 1 Sanno iyo bilo ayaa u dhiman waqtigiisa diyaarso qofka aad aaminsantahay inuu ka wanaagsanyahay marka doorashada la gaaro inta ka horeysana cay iyo naceyb qof iyo qolo waxba kuu qaban mayaan, cuqdada iyo sii kala fogaanshaha ummada Soomaaliyeed ee walaalaha wada ah ayay ka qeyb qaadaneysaa mahadsanid.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*