DAAWO:- Somaliland oo cabsi soo wajahday kadib markii somalia ay soo iibsatay Hub culus “Deymaha DFS laga Cafiyay oo iyana hinaas dhaliyay”.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo shir jaraaid kuqabtay Magaalada Hargaysa ayaa ka hadlay arimo badan oo quseeya hormarrada DFS ay kagaartay dhinacyada kala duwan ee Arimaha Dibadda.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ugu horreyn kahadlay hubka Somalia loo fasaxay iyo waliba arimo kusaabsan dadaalka DFS ay ugu jirto in laga cafiyo lacagaha Deymaha ee lagu leeyahay.

Wuxuu carabka ku adkeeyay hadii hubka somali loo fasaxo ay qalqal gelin karto jiritaanka Somaliland taa badalkeedana wuxuu codsaday in iyana hubka loo fasaxo si ay kaga hortagaan duulaan walbo oo kaga yimaada Muqdisho.

Hadalka Somaliland oo umuuqday mid cabsi ay dareentay ayaa kusoo aadaya xilli DFS lagu amaanay in ay guulo waawayn ka gaartay arimo badan oo kusaabsan siyaasadeeda.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

3 Comments

  1. Anigoo Daba socda wararka Qabsaday Baraha Bulshada somalida oo ku sabsan in somaliya laga qaday Cuno Qabatenta Hubka,Taasi waxay kawada siman yihin magaca somaliyed oo dhan Qolo kaliya oo Calamku Kaligod si gara usinayo majirto,hadiba tasi runtahay,wadamada hubka sameya ama bixiya somaliya wa isugu mid mana kala jecla,somali wa usomali,Hadii Hubku Beec yahayna Qolo kasta wa so iibsanaysa Haduu Deyn yahayna Qolo kasta wa so deymaneysa,waxadna ogatan Hubku Cawimo ma’ah Ganacsi hadi suqa ganacsiga somaliya lofuro Cid kasta waxay so gadan karta waxii aay doonto,sidas darted qolo cid kale ugu fani karta majirto.

  2. Nacaskaan afka weyn, ee maalin walba haya Somaliland, waa xagee Somalilandta uu sheegayo ? waa geed ma xishoode ah. cidaasuu kaba qaad u yahay.

  3. Mohamed Warsame: goormaad somali noqoteen? Ma markii hubka Loo fasaxay kkk daymihiina laga cafiyay kkkk somali oo dhan buu hubku Ka dhexeeyaa, laakiin waa somalida uu Farmaajo madaxwaynaha u hayay, haddii maamul beeleedka iduur oggolaado inay Ka mid noqdaan Somalia 🇸🇴 welcome back hubka iyo lacagtana qaybta iduur waa diyaar kkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*