DAAWO:- Somaliland oo Digniin udirtay Shacabka ku nool deegaano katirsan Gobolka Sanaag.

Somaliland ayaa digniin ka soo saartay Duufaan la saadaaliyey inay ku soo waajahan tahay Xeebaha Somaliland.

Maareeyaha Hay’adda u diyaar-garowga Masiibooyinka Dabiiciga ah ee Somaliland, Faysal Cali Sheekh oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Waxa jira Duufaano Xooggan oo ka soo kacay Waqooyiga Bad-weynta Hindiya, duufaannadaa oo derajadooda illaa 4 lagu tilmaamay, waxa saamayntoodu illaa hadda ka bilaabantay Xeebaha Cumaan, waxaana la filayaa inay u soo gudbaan dhinaca Xeebaha Somaliland, gaar ahaan Laasqoray, Maydh, Xiis, Onqor, Berbera, Bulloxaar, Ceel Sheekh, inay halkaa soo gaadho ayaa la filayaa, Ilaahay og, laakiin Waajibaadka na saarani waa inaanu Ummadda uga digno Wakhti ka hor, markaa waxaanu jecelahay inaanu Dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan Dadka ku nool deegaannadaasi inay ka digtoonaadaan.”

HALKAAN KADAAWO

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*