DAAWO VIDEO DEG DEG:Ragii Loo Xukumay Kufsiga Caa’isha Ilyaas War kasoo Dhacay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo marar badan balan-qaaday in ay Cadaaladda helaan Qoyskii gabadhii yareyd ee lagu dilay Gaalkacyo Caasho ILyaas Aden, ayaa amray in Sadexda qof ee ay maxkamaduhu ku heleen in ay ka dambeeyeen dilkan in la keeno magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa amray in laga soo qaado Xabsiga magaalada Garoowe oo ay ku xirnaayeen, waxaana gaadiid dagaal looga galbiyey caasumada, iyadoo lagu xiray Xabsiga magaalada Boosaaso oo kamid ah kuwa ugu adag ee Puntland ku yaala.

Halkani ka Daawo

Sababaha loogu wareejiyey Xabsiga Boosaaso ayaa la sheegay in ay Maxkamadda Sare ee Puntland, dhawaan cadeyn doonto jawaabta ku wajahan qoraal ay soo qorteen dibu eegis ah Ehelada dadkan oo sheegay in aysan ku qanacsaneyn xukumadii dhacay.

Maxkamadda Sare ma jirto wali dibu eegis ay eegtay, waxaana muuqata in ay ka caga jidayaan in ay meelmar ka dhigaan qorshaha ku wajahan in ay xukunkan dhameystiraan sababo badan oo is biirsaday.

Warsidaha Puntlandtimes wuxuu ogaaday in ay 3 jeer ka badan cabasho arrimahan ku wajahan u gudbiyeen maxkamadda sare Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, gaar ahaana qoraalka ay qorayaan oo ah mid xasaasi ah awgiis ay dalbadeen in ammaankooda ilgaar ah lagu hayo.

Sadexdan nin oo 3da maxkamadoodaba ku heleen in ay ka dambeeyeen dilkii gabadhii yareyd Caasho Ilyaas Aden ayay eheladoodu sugayaan in ay cadaaladda wajahaan oo ay dawladdu ku fuliso xukunka lagu xukumay.

Qaar kamid ah Ehelada Caasho Ilyaas ayaa u sheegay PUNTLANDTIMEs in ay ku qanacsan yihiin hanaanka dawladdu u agaasintay howshan, waxayna sheegeen in ay sugayaan qaraarka Maxkamadda Sare iyo go`aanka rasmiga ah ee dawladda.

Laakiin dib u eegista Maxkamadda Sare loo gudbiyey jawaabta laga bixiyo ayaa ah mida kama dambeysta ah ee lagu fulin karro xukunkan, waxaana laga sugayaa qoraalkaas in uu ka yimaado Maxkamadda Sare.

Madaxweynaha Puntland ayaa iska leh amarka u dambeeya ee amrida in lagu fuliyo xukunka toogashada ah ee ay dawladdu fulinayso, waxaana uu marar badab balan-qaaday in la toogan doono kuwii ka dambeeyey dilkaas foosha xun ee kadhacay magaalada Gaalkacyo.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*