DAAWO VIDEO: Ex RW Cali Maxamed Geedi oo Warkii Ugu Cuslaa Lama Filaan Ku Dhawaaqay Mucaaradka U Quus Gooyey

Raysal wasaarahii Hore ee Soomaaliya Calai maxamed Geedi Ayaa Markii Ugu Horeyey Muqdisho Uga Dhawaaqay Xisbi Mucaarad Ah,waxaana xaflad Ugu Dhawaaqayey oo Muqdisho Ka Dhacday uu Fariin U Diray Siyaasinta Mucaaradka oo uu Ku Tilmaamay Inaan Magaalada Muqdisho Inaan Lagu Ciyaari karayn.

Raysal wasaarahii Hore ee Soomaaliya Calai maxamed Geedi Ayaa Sheegay maanta Kadib In la Ogaado Inuu Cali maxamed Geedi Hogaaminayo Xisbi Mucaarad Ah,Walina Kuma Dhawaaqin Xisbiga Mucaaradka Magaciisa Saxda Ah.

Waxaa uu Sheegey Inaan Muqdisho Lagu Ciyaari karayn Iyadoona Siyaasin Iyo Xildhibaano kasoo Qeyb Galeen Xisbigani mucaaradka .

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

3 Comments

  1. ASC.
    Waa kala labo baab Cali M.Geedi oo furay xisbi mucaarada iyo in uu yiri magaalada xamar laguma cayaari karo.Xisbi mucaarada lagaray laakiin xamar laguma cayaari karo waa hadal JABHADEED ee Cali ma xisbi mucaarada buu wataa mase jabhad u dagaalamaysa kiritaanka xamar?

  2. Dalkaani waa soo korayaa oo ma qaadi karo labo xisbi wax ka badan maxaa yeelay maahan waddan heer fiican ka gaaray nadaamka dawliga ee dimuqraadiga ah. Waxaa ku filan labo xisbi siyaasadeed ama hadday ugu badato saddex. Intaas wixii ka badan waa xukun jeclaysi iyo hunguri doon waxaana laga dheefi doonaa oo keli ah fowdo iyo xasilooni daro aan dhamaanayn oo in la isku faro saaro ay khasab doonto.

    Xisbiyada hadda la abaabulayo qaab qabiil baa loo dhisayaa oo lagu macneyn karo inay doorashooyinku qaabkaas u dhici doonaan. Taasu maahan dimuqradiyadee waa wixii horee xilka lahaa oo lala lahaa waa laga bixi rabaa. Say u muuqato waxa xisbiyada qabiiliga oo soo badanaya abaabulkooda wada siyaasiyinta Hawiye oo dhexdooda isku kala jabinaya Daaroodkana ku mucaaradaya. Meeshay ku dambeyn doonto waa iska muuqataa.

  3. Sheekada Beesha USC waxay Maraysa ”’ Hooyo Hooyey Barataye Hadanan Habaryartay Keenin ”’

    Hadaad eegtid xisbiyada hadda jira MUUQA-DISHO waa sidatan
    1- Hal Xisbi iljeex
    2-Laba Xisbi Abgaal
    3-Hal xisbi Mareexaan & Murursade

    Xisbiga iljeexda ee uu wata ninki masaajidka london/UK ka soo dhacay lacagta Mr Cabdiraxman cabdishakur Kabo Dacas ah laguma aamini karo

    Xisbiga Abgaalka ee uu wato Xassan Xoolo iyagana lacagti qaranka meel ay mariyeen cidi ma oga.
    Xisbiga Mareexaan & Murursade waa kuwa hadda talada hayo welina isma khilaafin oo lama dhexdhexaadin waxayna ku socdaan sidi ummaddu doonaysay ee ilaahay wuxu ku saliday Maamul Goboleedyo loo adeegsado jabka somaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*