DAAWO VIDEO:Sanbalooshe”Soomaliland Iyo Puntland Waa In Dowlad Madax Banaan Loo Aqoon sadaa”

Taliyahii Hore ee Nabad Sugida Soomaaliya oo Baryahani Danbe Wadey Loolan Qabiileed oo dadka Badankooda Dhib sadeen ,waxaa uu markale u Muuqdaa Inuu kala Qeybinayo umada Soomaaliyeed,Isagoona Tilmaamaya In Xiligani loo Bahan Yahay In Puntland iyo Soomaliland Dowlad Gaar Loo Aqoon sado.

Waxaa uu Weeraray Beelaha Hawiye Iyo Koonfura oo uu Sheegay Inuu hada Yahay Dhulkooda Midka Dhibaatada qaba ,Loona Bahan yahay In Ilaa Nabad Laga Dhigayo Koonfurta Madax Banaani Lasiiyo Dowlad Goboleedyadaasi.

Arintaasi Ayaa u muuqanaysa Inuu Ku xumaynayo Dowlada Faderalka Soomaaliya Inkasta oo waxa uu Dhibaatada Gaadhsinaya tahay Jiritaanka Soomaaliya.

Hoos Video Ka Daawo

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

6 Comments

  1. Sanbaloolshe xilligii uu hoggaaminayay hay’adda NISA cidi ma aqoon, laakiin markii xilkii laga Xamuubiyay oo uu baahday ayuu billabay somaliland halla aqoonsado iyo puntland ha goosato kkkk kkk odayga qaaraan halloo ururiyo oo daasado dariiqyada halloo dhigo Sanbaloolshe ugu rida kkk kkk kkk nin baahan bakhtiga u xalaala.

  2. ASC.
    WAXAA ii dhaawaca MARKI lay-yiraah Sanbaloolshaad isku BEEL tihiin. °Waa nin ku dawarsana Magaca Xawaadle. Baryootankiisuna MACNO malaha CID uu mathalana malaha. °Waa mid wax isbiday oo aan ogayn INAY qolyo ku shaqaysanaan. °Somaliyey wuxuu kani sheego YAAN Xawaadle loo qaban. WBT

  3. In la maxkamadeeyow istaahilaa, waa cudurka Somali ku dhex jira Waxa uu saa u leeyahay, waa neceyb uu u qabo Somaliland iyo Puntland, oo isaga waxay la tahay in koofur dad kale leeyihiin. inkastoo isaga qabiilkiisa hawiye waa hore ku yiraaheen idinku hawiye ma ihidine xagee naga soo gasheen. marka waxasi waa beerlaxowsi hawiye, mana baan . hadana Somali nacayb ayuu ku darsadey.

  4. Adduunka Horey u maray waxaay ku Hormareen Feker WANAAGSAN, EE Horumarka ay maantay Haystaan iskama Imaan.
    Sidaa awgeed waxaan ka xumahay in Warbaahinta Soomaalida intooda badan ay REFERENCE ka dhigtaan Qofka Igu liita Bulshada Soomaaliyeed.
    Bal eeg Ninkaan la yiraahdo SANBALOOSHE, waxa Afkiisa ka imaanaya ee Maskaxda kaga jiro, waa wax aan lagu tilmaami karin Qof Caadi ah Oo Miyi jooga.

    Dadka cudurka Qabyaaladda Digital la yeeshay kuma wanaagsana in mushtamaca Soomaaliyeed lagu hor wadwado waayo ma istaahilaan.
    Damcan waxaan maqlaa in Youtube lagu helo wax la yiraahdo Credit, xooga yar oo shaqaale ah, sidaa
    Awgeed waxaan u qaatay wareysi lala yeesho Qof la Diifeysan QABYAALAD iney tahay Wareysiga
    Sida SANBALOOSHE OO KALE.
    Bal Soomaaliyey inta Dhageystaan
    FEKERKA SANBALOOSHE Hal Eray
    OO dadka Soomaaliyeed ka faa’iideysanayaan waxa ka soo gufaacaya Ninkaan.
    Waxaan ku arkay Baraha Bulshada SANBALOOSHE wuxuu yiri” 10 Bilood baa kuu hartay haddii aadan Dhaqdhaqaaqa joojin NINKII DHOOF KU YIMID BAY GEERIDU DHIBEYSAA”
    SANBALOOSHE wuxuu ku dhashay Duurka MOQOKORI, Cidda uu Hanjabayo waa Madaxweynaha S Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,
    Islamarkaana Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku dhashay ISBITAALKA MARTIINI.
    Waxaay ila aheyd in UNIVERSAL TV
    Markii Weriye Xamdi kadiye wareysi lala yeelato waayo
    Ma ahan Qof ka Gadmaya Ummadda Soomaaliyeed.
    SANBALOOSHE kaliya ma ahan inta ay Qabyaaladda la Diifeysan, Waxaayna hortaagan yihiin Dowladnimada Soomaaliya, waayo kuwa la Diifeysan Qabyaaladda waxaay ku nool yihiin waa Qabyaaladda in dadka Soomaaliyeed la kala QAYBIYO.
    70% inta ku nool Qabyaaladda waxaay ahaayeen Kuwii Joogey Kismaayo oo Maalintii Calanka Soomaaliya loo dabaal degayo, waxaay iyagu calaamo saarayeen UHURU KENYATTA sidii ay ugu Xalaaleyn lahaayeen Damaciisa qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*