DAAWO:Ilhaan Cumar oo Sawira Qarsoon oo Laga Qaaday In Ninkeeda Wali Furin Jaceylkeeda Na Noloshahay

Ilhaan Cumar Ayaa Lagu Eedeyey Inay Ku Nooshahay “double life” oo Macnaheeda Yahay In Iyadoo Ilaa Hada Go’aanka Furninka Maxkamada Gaadhin Ay la Nooshahay Ninka Ay Jaceyl wadaaga yahiin ee Mynett.

Wargeyska Daily Mail oo Sawiro Qarsoon Kasoo Xigtey Dad uu ka Helay Ayaa Sheegay Inay Guri Gaar Ku Nool Yahiin Ilhaan Cumar Iyo Mynett Kaasi oo Si Qarsoodi sawirada Looga Qaaday.

Waxay ugu dambeyntii codsatay furiin 7-dii Oktoobar – laakiin waxay weli diideysaa inay aqoonsato xiriirka ay la leedahay  Tim Mynett, 38, oo ay naagtiisu sidoo kale codsatey furitaan bishii Agoosto.

Daily Mail waxay hadda daaha ka qaaday in Ilhaan Omar iyo Mynett aysan ahayn kaliya wada sheekeysi, laakiin ay ku wada noolyihiin ‘firaaqada iyo banaanka’ qol qarsoodi ah oo ku yaal DC, halka ay qorsheynayaan jaceylkooda oo Ay Ku Dalxisaan Jamaica isla markaana ay qorsheynayaan mustaqbal fog.

Isla mar ahaantaana, si kastaba ha noqotee, Daily Mail waxay Ogaatey in Mynett xaaskiisa Bet, 55, ay diidan tahay inay ka dhabeyso dacwadda furriinka ee Ay Codsatay  Kadib Xirirka Ilhaan Markii Ay Ogaatey,Taasi oo Caqbad labaadku Ah Jaceylkooda Inuu Soo Shaac Baxo.

Haatan waxay U wada nool yihiin ama wada nool yihiin markasta oo ay DC Joogto Ilhaan. Waxay yiraahdaan waxay u safraan sidii shuraako ganacsi marka ay joogaan isla qolalka hoteelka. Xitaa waxay qorsheynayaan fasax qaali ah Kirismaska.

Labada lamaane ayaa ka taxadiraya in la arko iyagoo galaya oo ka baxaya Hotelka,Lakiin waqti isku mid ah  waxay wada qaateen ugu yaraan lix habeen September, oo ay ku jiraan Khamiista, Sebtember 20 illaa Jimcaha, Sebtember 21.

Labada dhinac midkoodna ka hadli maayo arrinta laakiin markii weriye ka socda WCCO-TV oo fadhigiisu yahay Minneapolis uu Cumar weydiiyay bal in ay Xirsi kala go’day oo ay bilaawday qof kale waxay ku jawaabtay: ‘Maya, ma ihi’.

Sawirada Laga Qaaday Hoos Ka Daawo

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

5 Comments

  1. somalidu mararka qarkod waxay shaqo ka dhigtan wax aan nucur ukenan,ilhaan cumar ayey daba dhigen,Gabdhaha somaliyed oo melkasta ku Dacdareysan maxay wax uga shegi wayen oo midaan Daba dhigay?? markii somaliya Burburtay maxa kadhacay dhexdeda malaga shekeya??Xeryaha Qoxotiga kenya, Itoboyiya yaman,masar,liibiya mashakilka kufsiga fusufqa kuwa bada ku harqaday maxa wax loga shegaya qof dumara oo khaldantay?mida kale somalida kunool Amerkika & Yurub in mushkulad kajirta inta Qoys somali ah ku buburtay maxad wax uga shegi weyden? oo midan ugu walateen??.

  2. ina warsame sxb Ilhaan waa noo siman tahay labadeena laakiin inaad qabiil ugu garaabto waa kugu khalad weyn. Waa sax in ceebteeda shaaca laga qaado maadaama ay tahay haween soomaaliyeed oo soomaalida magaceeda xil sare ku haysata.

    Hadday tahay naag nin soomaali ahi oo xalaal ku qabay oo caruur wada dhaleen intay iska furtay gaal xunoo buuryaqab ah oo baaradu ku taalo ka raacday waa sax in ceebteeda laga sheekeeyo oo weliba magaca soomaaliyeed laga masaxo. Ma iilkay ku gali doontaa markaa qabiil ugu hiilinayso?

  3. War isku xishooda marna idinma banana in aad qof cebihisa daba gashan qof waa xor ama gaal haracdo ama muslim adigu xisabin maysid ilahay ayaa aburtay isagana xisabinaya somalina uma shaqayso denaheday ushaqaysataa marka ilahay ka cabsada qofka ceebihisana ka hara

  4. ASC.
    1.Qofkasta oo inaga mida dhaliiluu leeyahay.In ceebaha laga sheekeeyana waa nooc ka mida dambiyada khatartaa.Ilhaan A.Cumar ayadaa ka masulla arimaheeda iyo meeshay jaaha saarayso.Waxaase ceeb iyo fal foolxun in niman waaweeyn ay intaas ku haya Ilhaan baa halkaas gashay oo la gashay nin Hebal.Waxa dadka ceebahooda ku mashquulay waxaa u badan ciyaal suuq Mooryaan ah oo an camal kale lahayn.Ilhaan haddii ay dambaabto ayada iyo Ilaaheed.Waxaase ka sii dambiyo badan Mooryaanta xasuuqaya shacabka masaakiintaa ee soomaaliyeed ee an isdifaaci karin.Mooryaanta ku mashquulsan Ilhaan kama hadlaan shacabkooda ay had iyo jeerba la dabo taagan yahiin bomka iyo Baasukaha.Wa xaddiis saxiix ah qofkii ka sheekeeya dadka ceebahooda in isagana ceebihiisa uu Ilaahay (swt) banaanka soo dhigi doono.
    2.KU:Fanax.
    Waryaa anigaa qabiil ku difaacaya Ilhaan.Waayo waajib bay igu tahay in aan u hiiliyo markii laga gardaran yahay iyo markay gadaran tahayba.Insha Allaah adigaba haddii lagaa gardaran yahay oo an wax ka ogaado xaajagada lagaaga gardaran yahay waa khasab in aan xaqqa kuugu soo hiiliyo.Wake up Jaalle Fanax.

  5. Haddii ay run tahay waxa laga sheehayo waa edeb wayn ayadoo la qabo in ay nin xaaraan kula tumato. Marka hore iska soo fur, ka dibna hadaad rabtid Yuhuud raac. Allah gabadhan fududaa ” Maryooleey”

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*