DEG DEG+DAAWO: Puntland & DF Soomaaliya oo wada hadalkoodii Fashilmay.

Wasiiro katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo dhamaantood kasoo jeeda Puntland, shalayna u yimi sidii ay wada hadal ula yeelan lahaayeen Madaxweynaha Puntland ayna uga baajiyaan safarkiisa Kismaayo ayaa ku guuldareystay arrintaasi, waxayna goor dhaw dib ugu laaban doonaan magaalada Muqdisho.

Warar hoose ayaa sheegaya in wafdigan kahor intii aysan bixin ay kulan gaar ah la yeesheen qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee gobalka Barri oo ay kala hadlayaan tabashooyinkooda ay muujinayeen maalmihii u dambeeyey.

HALKAAN KA DAAWO

Xukuumada Puntland ayaa u aragta kulamadan faragalin siyaasadeed oo waqtigan dhacda, waxaana wararku sheegayaan in ay ka carootay oo lagu amray in aysan cidna qabili karin.

Wasiiraddan heer federal oo kasoo jeeda Puntland ayaa marka ay dib ugu laabtaan Muqdisho, la kulmi doona madaxweynaha Soomaaliya Max`ed Cabdullaahi Farmaajo oo isagu lahaa dalabka ah in ay tagaan Boosaaso.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

3 Comments

  1. Asc waxaa aad uga xumay in natiijo la aan ku dhamaaday diini waxaa kula talinaya in siyaadinta ina cabdarshiid faroole aad maqasho inåad siyaasiinta aad dhageesato xilka waa meerto maha nin jecleesi

  2. @ Amiir

    Maxaad Saaxiib isku walaaqaysa
    Maxaad isku ” Level ” uga dhigtay Dr Faroole iyo Cumar cabdirashiid.
    Laba qof oo isku meel mari kara ba ?
    War Cumar Cabdirashid waa Doqon tuug ah oo aan qiimo badan u lahayn Somali.

    Arinta Deni hadaan ka hadlo waa nin ku cusub siyaasadda Puntland inkasta oo uu la soo shaqeeyey Xassan Xoolo oo uu wasiir Damul-jadiid uu ahaa laakin wuxu qabto waa in lagu xukuma ma aha wixi soo ahaan jirey.

    Xukunku sidaad sheegtay waa Meerto laakin waxay u tahay oo keliya MAXAMUD SALEEBAAN intaas in la fahmo waa wax muhiim ah iamana aha in aan ka soo horjeedo Mxamud saleebaan laakin ANigu beri hore ayaan kaftamay oo iri bal horta Majeerteen oo dhan ha wada gaadho markaas baanu anaguna wax ka heli doona laakin inta Majority ga Majeerteen aysan gaadhin xukunku anaga safka dheer baanu weli ku soo jirna.
    inta cali saleebaan & Dashiishle & Majeerteenka yaryar oo dhan ay soo gaadhayso bahashu anagu waxaanu ku jiraynaa ”’ MACA SAABIRIIN ”’

  3. Dabo La Furey
    Farmaajo waa fashil waliba tuug ah. 18 miljan oo doolar ayaa ku maqan, sida uu sheegay hanti dhowrka, horena 42 miljan!!!
    Waa handcap aan dal war u hayn.
    Ilaahoow Xassan sheeq noo soo celi, waakaas durba la kufay, qaylo qabiil ma soconayo,

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*