DEG DEG:Kacdoon Shacab Boosaaso,Cali saleebaan,Cali Jibraa’il Iyo Dishishe oo Ku Dhawaaqay Go’aan Culus Puntland Ka Dhan Ah.

Boosaaso(Marqaannews.net)-Beelaha Dega Gobolka Bari Ayaa Ka Horyimi Siyaasada Puntland ee Gobolka Bari,waxayna ka Horyimaadeen In Dekada Boosaaso,Garoonka Diyaaradaha Iyo Maxjarka Xoolaha Lagu wareejiyo Shirkada Imaraadka Laga Leeyahay,wax Garadka Gobolka Bari Ayaa Sheegay Inay dadka Dan yarta Noloshooda Ku Xidhnayd Ilahaasi Dhaqaalaha Iyo Xamaalka.

Sida Xogta U Sheegtay Marqaannews Cali saleebaan,Cali Jibraa’il Iyo Dishishe Ayaa Wax Garadkooda Go’aankii Ugu danbeeyey Sheegeen Inaysan Talada Puntland Waxba Ku Yeelan Doonin,Go’aanka Midkani Xiga ee Ay Ku Dhawaaqayaana Warbaahinta la Wadaagayaan.

Xukumada Siciid cabdulahi Deni Ayaa Ku Guul daraysatay Safarka uu Madaxweynaha Boosaaso Ku Joogey Inuu Ku qanciyo Beelahani Inay Ku qancaan wareejintani Sadexda Ilood ee Dhaqaalaha Gobolka Bari Iyo Puntland.

Qiyaas Ahaan Dad ka Badan 3.000 Kun oo Dad Dan yar Ayaa Malinkasta Noloshooda kasoo Bixi Jirtey Sadexdaasi Ilood ee Dekada ,Garoonka Iyo Maxjarka Xoolaha Boosaaso.

Puntland Ayaa mamnuucday Shirarka Siyaasada Iyo Kulamada kala Duwan Gobolka,waxaana Hada laga cabsi qabaa Kacdoon Shacab Inuu ka Dilaaco.

Daawo Falanqeynta Hoose.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

6 Comments

  1. ASC.
    Waa ila sax in puntlaan laga madnuuco wixii dhib iyo qalalaaso u keeni kara.Ayana waa sax in la soo dhaweeyo wixii wanaag iyo waxsan kororsi ah.Saddexda reer ee la leeyahay mudo horaadyo bay ka wadaan boosaaso midkoodna kama qeyb galo difaaca puntlaan looga difaaco Mooryaanta xamar laga soo diro.Kuwa ay hargeeysa adeegsato ee ku jira buuraha Gal-Gala waa wiilashooda iyo EELAY koonfurta laga soo diray.Calaa kulli xaal waa muhiim nabada puntlaan ee yaysan ku cayaarin dadaan waxba kala ogeeyn oo xamar looga so durbaan tumayo.Xamar haddii ay wax qaban karto ayadaa qabsan lahayd.

  2. Somaliya waxay ku Ba’day Marba nin baa habeenki ku Fekeraya in ay iibiyaan ilihi dhaqaalaha ee shacabka danyarta ah quutal yowmkooda ka heli jirey.

    Waan taageeraya Danyarta lagu dulmiyey xeebihi ay ka kalumaysan jireen iyo dekeddi ay ka xamaali jireen.
    Qof noloshiisu ku xidhnay dekedda Bosaaso ee ama ka xamaalan jirey ama baabuur uu leeyahay badeecad ka soo guri jirey marki lagu yiraahdo Adiga xoogaaga iyo gaadhigaaga midna looma baahna sidaasu MA CADAALAD BA ?

    Maamulka Deni iyo kii ka horeeyey ee Gaas eaxay soo kordhiyeen Xasarad weyn.

    Wakhtigi cabdulahi yusuf ama wakhtihi cadde muuse ama wakhtigi faroole waxay reer barigu ku dacwoon jireen in shaqaalaha sarsare ee dekaddu ay ka yimaadeen
    Gaalkacayo Ama Garoowe Ama Qardho, oo muruqmaalka reer bariga laga hormarin jirey kuwaan soo sheegay.
    Hadda weyba ka sii dartay wixiiba Rag baa ” CASH ku iibsaday ”’ oo yiri Kala Dareera Reer Bariyow.

    Puntland waa in ay u sameysaa Guddi Qaran oo baadha Dacwada Reer Bariga iyo waxay Tabanayaan.

  3. Puntland cadowgeeda ayaad tiihiin kuwa halkan wax ku qoraya, waxaan joogaa Bosaso wax ka jiraa ma jiraan waxaad sheegaysaan fidno iyo xalad abuur ayaad tihiin. tan kale ogaada Bosaso Saciid dani waa magaaladiisii uu u dhashay xidina kama xigto. Bosaso sadex reer kaliya madagaan dadkii asaasay waa dadka uu kasoo jeedo siciid dani,

  4. There is no any reason that Puntland will not give consideration the ideas of their representatives in the Federal government who are responsible for all parts of Puntland. The President alone has no complete mandiate to reject the working with the Federal Government. He is not elected by the people but came through buying votes of corrupted few in the parliament. The other thing which is annoying and must be stopped is everybody saying that Puntland is one that responsible or mother of federal government. I believe everyone should stand up and defend the Federal Government from all these so called Presidents from the regional governments or Somalia will be in very delicate situation. We have to stop all these greedy individuals who are working for their interest but not for the greater nation. These individuals are acting like it is their own property the way they are spending the meager budget, travelling with especial planes and also the way the reach decisions that will have huge impact to the whole population of the regional government. No body is above the law. No individual can destroy the future of the whole population of the regional government.

  5. Yaa isgaaray? Calool weyne kama naxo waxaan calooshiis ahayn. Dacawo meel eey macal uga baratay kama hadho ilaa eey ku baqtido.

  6. Hadii Mooryaan kastaa wuxuu doono qoro, anshaxxumo horseedo waa dhibaati, waxba kama jiraan waxa aad sheegeysaan. Waa warkii Cadowga Puntland. waxaan u naqaan dhuuso, wax aad Puntland taas uga qaadeysaa malaha, dadka aad sheegeysaa, waa madaxda maamusha Gobolka bari, afkaaga uraaya dabool.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*