Degdeg:- Dad kasoo cararay Silaca Alshabaab oo orod kusoo galay Baydhaba.

Boqolaal qoys oo kasoo barakacay deegaanno ka mid ah gobolka shabeellada hoose ayaa waxaa ay gaareen magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Qoysaskan ayaa waxaa ay ka ka tageen Tuulo lagu magacaabo adeerow iyo deegaano kale oo u dhow degmada Awdhiigle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Maamulka Degmada Baydhabo ayaa  sheegay iney soo dhoweeyeen dadkan, ayna u sameynayaan dib u dejin.

Qaar ka mid ah qoyaska soo barakacay ayaa  sheegay in sababaha ay u soo carareen ay tahay kadib markii Al-shabaab ay dalbadeen in caruurtooda ku wareejiyaan, taasina ay walaac xoogan ka muujiyeen.

 

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Aragtidaada Halkani Ka Dhiibo Waan Fasaxi Doonaa

Your email address will not be published.


*