Degdeg:- Doon kusoo wajahna Boosaaso oo ku rogmatay Badwaynta Hindiya.

Doon usoo socotay magaalada Boosaaso oo rar ka soo qadaday deked ku taalla dalka Cummaan ayaa la sheegay inay ku degtay xeebaha badweynta Hindiya.

Doonidan oo laga lahaa dalka Hindiya ayaa lagu magacaabay Cabdikariin, waxaana maqribnimadii shalay ay ku degtay meel u dhow dekedda Salala ee dalka Cumaan.

Shaqaalihii doonta saarna oo tiradooda lagu sheegay in ay dhamaayeen 10 ruux ayaa la badbaadiyey, hase yeeshee waxaa lagu waayey hanti badan oo saarneed doontaas ku wajahneed magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*