Degdeg:- General Asad Diyaano oo 10Kun oo Dollar uga qayb qaadanaya gurmadka Baladwayne.

Waxaan la qaybsanayaa Dhibta iyo Duruufta adag uu keenay Fatahaadda webigu ee ay marayaan walaalaheena ku nool Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, dareenkayaga damqaday waa mid bini-aadannimo mid Islaamnimo mid Soomaaliyeed, waxaan bogaadinayaa guddiyada iskuxilqaamay Gurmadka, Culumada iyo Dhalinyarada iyo shacabka Puntland iyo guud ahaan kan Soomaaliyeedba, Waxaan Codsanayaa Marxaladdaan adag si ay uga gudbaan walaalaheen baladweyne in si weyn la isku garab taago.

Waa ku kalsoon nahay inaan si wadajir ah uga gudbi doonno dhibaatadan Insha Allah .

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

4 Comments

  1. Asc Wr Wb General Asad Waa Ku Mahadsan Yahay inuu ugargaaro walaalihiisa Soomali ee Ku Nool Hiiraan, Haddaynu Mahay Shacabka Puntland Waxaan Ka Qeyb Qaadanaynaa Gargaarka Loo Fidinaayo Shacabkaa Hiiraan.

    Deni Uusbuur Qardho ayuu usii watay Wasiirkiisa Maaliyada Abgaaloow si uu isugu diro Baarlamaanka Puntland oo qaarkod Qardho Laaluush Ugu Qeybiyey. Kuwii Qaatay Laaluushka Deni Uusbuur ogaada kitaabka ayaa ku dhaarateen hadda qaadataan laaluush Ilaahay Gacanta Ha idinka qalaliyo tuugyaheey.

    Baarlamaanka Puntland Iska Ilaaliya Deni Inuu Isku Kiin Diro, Waa In Lalaxisaabtamaa Deni Uusbuur OO aba Inuu Gato Garonka Diyaradaha Boosaso.

    Guul Puntland. Be a United Puntland. Iskana Ilaaliya Deni Damuljadiid.

  2. Jamaal sxb salaan sare. Intaa aad sheegtay waa run waanuna kugu raacsan nahay haddaanu nahay dad weynaha reer Puntland oo xalaasha ah. Deni markiisii horeba si xaaraan ah buu kursiga ku helay oo waxaa dad badani rumeysnaa inuu Asad Diyaano ku guuleysan doono.

    Afar bilood gudahood madaxweyne lagu nacay maahan mid tayo leh oo laga rajo qabi karo. Puntland shantii sanoo la soo dhaafay xag Allay ka noolayd maahanee hoggaan la’aan xun baa haysay. Saan filayno mid labadan kun goor ka fiican baa ka dambeyn doona oo heerkay mudan tahay gaarsiin doona.

    Waxii xaaraan lagu dhisay ma waaraan.

  3. @ Caaqil Fanax & Caaqil Jamaal

    Salaan sharaf iga Guddooma.
    Anigu waxaan qaba Rayi ka duwan Rayigiina kaasuna wuxu yahay Kursigu waa in uu ummadda ka dhexeeyaa ee ma aha in saddex nin oo walaalo ah uu ku dul warwareego taasna waxaan uga jeeda kursigan waa in uu soo dhaafa ”’Maxamud Saleebaan ”’ oo soo gaadha bal horta cali saleebaan ka dib majeerteenka kale ee yaryar ka dib dhulos anagu aanu ugu dambeynee taas waxba kama qabno wale.

    Laakin kursigan soo dhaafi waayey Saddex nin ee walaalo ah wale ceebtiisu wey badnaan doontaa maalin dhoweyto waxaan maqlaayey odayaal Bosaso isku af-lagaadeeyey oo odayaal maxamud saleebaan ah ay ku doodeen in maxamud saleebaan keliya u xaq u leeyahay xukunka ileyn iyaga keliya aya difaaca puntlande……. waa sheeko khatar ah.
    Carabtu waxay ku maahmaahda ”” XAAMIIHAA XARAAMIIHA ”” kii ilaalinaayey ayaa xadaya oo waxwalba jeebka ku shubanaya.
    Hadda Majeerteen ayeyba ka dhex aloosan tahay oo xukunkan baas ee rag iska xalaalaystay xoolihi ummadda ayaaba la isku haysta.
    DENI wuxu leeyahay xukunka Dr Faroole aya ila wada
    GAAS wuxu leeyahay kursiga Dr Faroole aya igula fadhiyey.

    Dr Faroole wuxu leeyahay Halkani waa Garoowe anigaa wax la iga weydiiyaa ?

    Viva Dr Faroole wale wuu kaga wada qaylo siiyey qashinkan GAAS & DENI

    I SALUTE DR FAROOOOOOOOLE

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*