Degdeg:- Taliyaha Boliska Somalia oo Seefta galka kala baxay xilalkiina ka xayuubiyay taliyaal muhiim ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Xijaar ayaa xilka ka qaadis iyo Magacaabis ku sameeyay qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Booliska ee ka howlgalla Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa taliyeyaasha qaarkood u magacaabay xilal Sare halka kuwana xilalka laga qaaday oo kuwa cusub la Magacaabay.

Yaasiin Nuur Kheyre Ganey ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska Dharkiinley

Gaashaanle Mahad Cabdi Xakiin Cumar ( Mahad Korow) ayaa  loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Waliyow Cadde.

Lataliyaha sare Taliyaha ciidanka booliiska  ayaa loo Magacaabay Cabdifitaax Mire oo horay u ahaa taliyaha Saldhigga Wilyow Cadde

Taliyaha Bimadka ciidanka boliiska ayaa loo Magacabay Yuusuf Hundubay oo horay u ahaa taliyaha Saldhig Galbeed

Taliyaha Daraawiishta boliiska ayaa laga dhigay Gashanle sarre Cabdulaahi Mire Siyaad

 Taliyaha qaybta Galbeed ayaa loo Magacaabay Maxamuud xuseen.

Taliyaha Laanta socotada cidanka boliiska Cabdirashiid Aadan xirsi.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

1 Comment

  1. ASC.
    Marka hore booliska laga sheegayo koonfurta soomaaliya ma aha booliis ka wada dhaxeeya soomaaliweeyn ee waa booliiska beelaha USC.Xiligaan ma jiraan booliis iyo ciidamo milatari ah oo ka wada dhexeeya soomaliweeyn.Gobalkastaba intiisuu gaar u haystaa.
    Tan kale haddii uu booliiskaasu yahay booliis soomaali u wada siman tahay soo kama ay wada shaqeeyeen dad soomaali ka wada kooban soomaaliweeyn?

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*