Ehelada Farmaajo oo lagu afduubtay degmada Balad-Xaawo ee G, Gedo.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dad kale oo lagu afduubtay degmada Balad-Xaawo ee gobalka Gedo oo ay qabsadeen ciidamo daacad u ah wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ay Xukuumadda Soomaaliya ku xirtay magaalada Muqdisho.

Dadka la afduubtay, waxaa ku jira Odayaal, ganacsatada iyo dad bulshada dhexdeeda aad looga yaqaanay, waxayna ka soo jeedaan jifada hoose ee Madaxweynaha Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo.

Ciidamada Afduubka geystay ayaa laga soo xigtay in ay sababta u sameeyeen ay tahay maadaama dhankooda laga haysto wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo Shabaab kula dagaalamay lix degmo oo kuyaala gobalka Gedo.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*