Ganacsato sharci darro ugu xiran xabsi kuyaal Jowhar oo cabasho kasoo yeertay.

Ciidamada Booliska Hishabelle ayaa ku dhawaad toddobaad xabsiga ku haaya qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Ganacsatadan ayaa qaar ka mid ah waxa ay ku xiran Saldhiga Booliska Jowhar muddo afar maalmood ah ayaan la sheegin sababaha rasmiga ah ee loo haysto, waxaana Saraakiisha Boolisku sheegeen in ay dib ka faahfaahi doonaan.

Ganacsatada xiran ayaa waxaa ka mid ah Yuusuf Colow Ceynta iyo Cali Gu’ Jire,sidoo kale waxaa boolisku ay xireen rag kale oo uu ka mid yahay Axmadey Kalahaad oo ka mid ah madaxda iskaashatooyinka gaadiidleyda Jowhar iyo Maxamed Cumar oo loo yaqaan Maxamadow.

Ganacsatada la xirey ayaan la geyn wax maxkamad ah iyagoo qaarkood ay xiran yihiin muddo lix maalmood ah,mana jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha garsoorka Jowhar iyo Hirshabeelle.

Dadka xiran ayaa qaarkood lagu soo qab qabtay howl galo Ciidanka Amaanku sameeyeen ka dib dilkii Guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha Amniga Maamulka Gobolka Sh/dhexe Muxumad Sugaal Cismaan oo habeeno ka hor lagu dilay Jowhar asaga iyo wiil uu dhalay.

Ciidanka amaanka ayaa dilka Gudoomiye ku xigeenka ka dib waxa ay bilaabeen Howl galo baraan oo lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo dhalinyaro u badan, waxaan dhawaan Jowhar ka dhacay banaanbax lagu dalbanayo in la sii daayo dadka u Xarin Laamaha amaanka.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*