Hay’ad caalami ah oo DFS iyo Alshabaab ku eedeysay in ay askareeyaan Caruur aan gaarin da’da qaangaarnimada.

Hay’adda UNICEF ayaa warbxin ay soo saartay ku eedeeysay AL-shabab, dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah in ay askareeyaan carruurta.

Warbixinta Hay’adda UNICEF oo ay daabacday CAJ, ayaa lagu sheegay in Carruur gaareysa  869 qof la askareeyay sanadkan kaliya.

Sideed ka mid ah Carruurtaas waxaa ay ahaayeen gabdho sida lagu sheegay warbixinta,waxaana qasab lagu qortay intii u dhaxeysay January ilaa July sanadkan.

Warbixinta ayaa xustay in 81% Carruurtaas ay askareeyeen Al-shabaab halka inta soo hartay askareeyeen dowladda Federaalka ah, dowlad goboleedyada xubnaha ka ah iyo kooxaha kale ee hubeysan.

Meelaha ugu badan ee Carruurta laga askareeyay ayaa waxa lagu kala sheegay bartamaha iyo Koofurta Dalka, Puntland iyo meelo kale.

Hay’adda UNICEF ayaa xustay in 513 Carruur ah oo ka baxsaday Al-shabaab ay daryeeshay kuwaas oo 47 ka mid ah ay yihiin Gabdho sida ku cad warbixinta.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*