M/weynaha Puntland, IGAD & UNSOM oo ka wada hadlay arrimaha Gobalada SSC

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan muhiim ah kula Qaatay wefti ka socda UNSOM iyo IGAD oo ay hormuud u ahaayeen Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ammbassador. Raisedon Zenanga iyo Ergayga urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Ammbassador Maxamed Cali Guyo.

Wasiirada Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa ka warbixiyey kulankaasi.

“Maanta waxaa noo yimid IGAD oo uu hogaaminayo Madaxa ugu sareeya iyo UNSOM madaxdeeda, waxay la kulmeen Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirada qaarkood, waxaan ka wada hadalnay guud ahaan geedisocodka dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii loo xoojinlahaa degenaanshaha siyaasiga ah ee dalka, loona yaraynlahaa khilaafaadka jira oo ay shaqadooda tahay IGAD iyo UNSOM labadoodaba. Shirkaasi waxa uu ahaa shir midhadhal ah oo arrimahaasi khuseeya”.

“Waxaa kale oo Dowladdu si gaar ah ay ugala hadashay layskuna af-gartay in gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn la gaadhsiiyo adeegyada bulshada iyo mashaariic horumarineed labadaba, goboladaas oo dowladdu mudnaan gaar ah siinayso, ahna horumarka gobolada kale ka jira uusan gaadhin si baaxadleh, iyadana waa ay soo dhoweeyeen, waxaan rajaynaynaa haddii Alle idmo in arrintaasi laga gungaadho. Shirkaasi waxa uu kusoo dhammaaday guul iyo is af-garad .

Shido kale Wasiirka ayaa xusay in Isbuucii hore Garoowe soo gaadheen wefti balaadhan oo ka socda Dowladda Jarmalka, waxaa uu sheegay in Dowladdu u gudbisey mashaariic horumarineed oo mudan in laga wadashaqeeyo kuwaasi oo khuseeya horumarinta dhaqaalaha.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa xaqiijiyey in mashaariicdaasi ay aqbaleen masuuliyiintii ka socotey dalka Jarmalka, waxaana ka mid ahaa dhismayaal Dugsiyo Farsamada gacanta ah, dardargelinta mashariicda caafimaadka ay Puntland ka wadaan oo dhaqaale kale loohelay iyo lacag 13.5 million ah oo lagu horumarinaayo arrimaha dhaqaalaha.

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirada Wasaaradaha Amniga iyo DDR Cabdisemed Maxamed Galan, Wasiirka Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Cabdiqafaar Cilmi Xaage, Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xusseen Cismaan Lugatoor (Gabiley), Wasiirka Dekedaha iyo Khayraadka Badda Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, Wasiirka Tamarta, Macdanta & Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran).

“Maanta waxaa noo yimid IGAD oo uu hogaaminayo Madaxa ugu sareeya iyo UNSOM madaxdeeda, waxay la kulmeen Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirada qaarkood, waxaan ka wada hadalnay guud ahaan geedisocodka dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii loo xoojinlahaa degenaanshaha siyaasiga ah ee dalka, loona yaraynlahaa khilaafaadka jira oo ay shaqadooda tahay IGAD iyo UNSOM labadoodaba. Shirkaasi waxa uu ahaa shir midhadhal ah oo arrimahaasi khuseeya”.

“Waxaa kale oo Puntland si gaar ah ay ugala hadashay layskuna af-gartay in gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn la gaarsiiyo adeegyada bulshada iyo mashaariic horumarineed labadaba, goboladaas oo dowladdu mudnaan gaar ah siinayso, ahna horumarka gobolada kale ka jira uusan gaadhin si baaxadleh, iyadana waa ay soo dhoweeyeen, waxaan rajaynaynaa haddii Alle idmo in arrintaasi laga gungaadho. Shirkaasi waxa uu kusoo dhammaaday guul iyo is af-garad .

Shido kale Wasiirka ayaa xusay in Isbuucii hore Garoowe soo gaareen wefti  oo ka socda Dowladda Jarmalka, waxaa uu sheegay in Puntland u gudbisey mashaariic horumarineed oo mudan in laga wadashaqeeyo kuwaasi oo khuseeya horumarinta dhaqaalaha.

Dhinaca kale Wasiirka Qorshaynta Puntland Xaange ayaa xaqiijiyey in mashaariicdaasi ay aqbaleen masuuliyiintii ka socotey dalka Jarmalka, waxaana ka mid ahaa dhismayaal Dugsiyo Farsamada gacanta ah, dardargelinta mashariicda caafimaadka ay Puntland ka wadaan oo dhaqaale kale loohelay iyo lacag 13.5 million ah oo lagu horumarinaayo arrimaha dhaqaalaha.

 

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

2 Comments

  1. idoorkii hadday dhul u gaar ah lahayn oo ku adkeysteen inay Soomaaliya ka baxeen waxay dantu ku khasbaysaa inay daruuraha soo degaan ama dhul Soomaaliya ka baxsan u guuraan maxaa yeelay beelaha intooda kale waxay ku qanacsan yihiin inay dalkooda Soomaaliya iyo walaalahooda soomaaliyeed wax la wadaagaan. Haddee dhulku waa ma guuraanee maxaa reerka u talo ah?

    Dhulooska daba dhilifyada u ah qoladan idoor ha lagu daro dameeraha iyo awrta wax lagu raranayo markay idoorku guurayaan maxaa yeelay beesha wax kuma lahan oo beeshuna waa Puntland dhalad ah. Maxaa la isugu xiiqayaa?

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*