Madaxweynahii hore Cabdiqasim salaad Xasan oo Fariin Yaab U Diray xasan Sheekh maxamud Iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynahii Hore ee Soomaaliya Cabdiqasim salaad xasan Ayaa Ka Hadlay Soomaaliya Iyo Xaalada Siyaasada hada Ka taagan oo Siyaasinta Gadh waneed ka Yahiin,Gar Ahaana Madaxda Xilalaka Kasoo Qabtay Soomaalaiya.

Madaxweynahii hore Cabdiqasim salaad Xasan Ayaa  Fariin Yaab U Diray xasan Sheekh maxamud Iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Halakani Hoose Ka Daawo Muuqaal

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

5 Comments

  1. waxaan Labay Talada Abdiqasim Salaad Xassan,oo mar noqday madaxweyne kumeelgar ah,hase yeshe shaqadisi lakufay oo kaso bixi wayey,in uu hader hadal wano ah oo uusan xog ogaal u’ahan iskala so boday,Asagoo aan hubsan waxa mesha yala,nimanka kali taliska ah oo marorsaday taladi wadanka in uu yirahdo tooda halo raco matahay wax laqadan karo?mida kale Duqu miyuu khalkhalay? mise madaxweyne farmajo ayey Qarabo hoose yihin,waxan ognahay Salad booy in uu ku dhintay Gacanta nin marexaan ah,hase yeshe maxamed siyaad Barre aya Dayo uga dhigay Abdiqaasin salaad xassan 21 sano wasiir aan dhicin,Asagoo Taas ka dulaya ayuu kuwaniyey sheikh shariif & Xassan sheikh maxamuud oo wadanka Xilal madaxweyne ka so qabtay Tacadigi logeystay asagoo halmansan in uu khaladadaka ku garab istago madaxda mamusha talada magalada muqdisho tala oo dadka somaliyed lafajecen hab dhaqan koda Dawladnimo.

  2. ASC.
    Cabdiqaasim Salaad talo iyo tabar midna loogama baahna ee afkiisa ha xirto.Markii ku magacawnaa madaxweyanaha maxuu soo qabtay?Meeday malaayiintii doolar ee loogu dhiibay dadka masaakiintaa ee soomaaliyeed?Cabdiqasim waa ninkii abuuray Shabaab iyo maxakamdihii laayey boqolaalka qof ee soomaaliyeed.Dagaalkii baydhabo oo ay ku dhinteen 1,000 illa 1,200 oo wiil oo soomaali ahaa isagaa amray.Calaa kulli xaal ninkaasu waa dambiile mudan in deg-deg loogu qaado dambiyada uu galay.
    Nimanka uu difaacayana ma aha kuwo mudan in la difaaco.Ina farmaajo iyo Xassan cali Khayre xamar bay maamuli la yahiin ee maxay ka tari karaan kismaayo?Kismaayo Axmad madoobe baa kula diririray Shabaab oo ka cayrsaday.Markii uu Ina farmaajo ahaa Ra’isul wasaaraha muu shabaab ka kiciyo kismaayo?

  3. Maxamed Warsame iyo Atoore sxb-yaal melaad kala qaaddeen lama garanayo odayga Cabdi Qaasim Salaad maxaa yeelay waayeel sidiisuu hadalka u dhigay oo waano tayo leh ayuu siiyay madax ku sheegtii hore oo dalka khalkhal galinaysa. Hadalka si wanaagsan buu u dhigay waana ku saxsan yahay intaas uu sheegay. Haddee qofka qabiil ahaan un lagu ma riixo sxb-yaal kii fiican oo dalkiisa daacad u ah waa in la sharfo oo la soo dhaweeyo. Anigu 100% waan ku raacsanahay waanadiisa qiimaha leh oo waana ku qaddarinayaa. Soomaalinimada reer kuma xirna ee waa u dhalasho. Saasi ma fiicnee odayga raali galiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*