Mustafe Cagjar oo si adag uga hadlay xasuuqii laba sano kahor kadhacay Muqdisho.

Mustafe Muxumed Cumar Cagjar madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ka hadlay qaraxii 14-kii October sanadkii 2017-kii ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo labo sano kadib kulan duco ah loogu qabtay Muqdisho dadkii ay saamaysay musiibadii ka dhalatay qaraxaas.

Mustafe Cumar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku sheegay in uu tiiraanyada la qeyb sanayo eheladii iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed dadkii ay lagu xasuuqay Isgoyska 14-ka October EX-Zoope ee Muqdisho, isagoo sheegay in uu ku hadlayo dhamaan afka shacbiga dowlad deegaanka Soomaalida.

Hoos ka akhriso qoraalka madaxweyne Mustafe Muxumed Cagjar:-

14-Octobar (XUSUUS QARAN ) waxay ahayd Maalin Murugo iyo tiiranyo u leh umadda soomaliyed dhamaanteed, waa Maalin aanan ka go’idoonin quluubta dadka Soomaaliyeed wa maalintii hal goob ku dhinteen Boqolaal qof oo Soomaali ah Boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen, ka dib qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka dhacay isgoyska EX-zoope 14-ka OCTOBAR

Xukuumadda deegaanka Somalida, Waxay tiiraanyada laqayb-sanaysaa dhamaan umadda somaliyed iyo eheladii dhamaan dadkii ku shahiiday halkaas, waxaan alle uga baryaynaa in janadiisa firdawsal-aclaa kumanaysto, intii xanuun ka soo gaarayna allaha uboga-dhayo.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*