QM oo markale shaacisay in la filayo saamayn aan horay loo arag oo kusoo kordha Fatahaadaha hadda laga Cabanayo.

James Swan oo ah ergayga qaramada midoobay u qaabilsan arimaha soomaaliya ayaa sheegay in Qaramada Midoobay  ay aad uga walaacsan tahay Qatar bini-aadinimo oo ka dhalan karta fatahaada Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo gobalada qaar durba ka socda  fatahaad.

Wakiilka ayaa sheegay in wabiga Shabeelle uu ku fatahay degaano hoos yimaado magaalada Beladweyne ee gobalka Hiiraan islamarkaana ay ka barakaceen kumanaan shacab ah oo u badan danyar.

Sidoo kale James Swan  ayaa sheegay in ay jirto cabsi laga qabo in Wabiga Jubba uu fatahaad ka sameeyo degmooyin ka tirsan gobalka Gedo islamarkaana uu sameeyo dadka danyarta ah iyo kuwa kale ee ku nool jiinka Wabiga.

“Waxaan aad uga xumahay tirada qoysas badan ee daadadku ay ku waxyeeleeyeen waxaanan aad uga walaacsanahay xaalada dadka ku waayey guryahooda iyo noloshoodii oo khatar ku jirta” ayuu yiri Ergeyga gaarka ee qaramada midoobay.

James Sawan ayaa waxaa uu ugu baaqay beesha Caalamka, dowladda dhexe iyo shacabka Soomaaliyeed in ay gar gaar gaarsiiyaan dadka shacabka ah ee saameynta ku yeeshay Fatahaada webiyada shabelle iyo Jubba.

“Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay inay la shaqeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada si loo taageero bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey.” Ayuu hadalkiisa ku sii daray James Swan.

Wabiga Shabeelle ee mara gobalada Shabeelooyinka iyo Hiiraan ayaa durba bilaabay in uu ku fataho degaano ka tirsan Hirshabeelle waxaana Beladweyne todobaadkii la soo dhaafay ka barakacay in kabadan 60 kun oo qoys kuwaas oo ku noolaa hareeraha wabiga, halka wabiga Jubba la sheegay in laga cabsi qabo in uu fatahaad ka sameeyo magaalada Baardheere ee gobalka Gedo taas oo walaac ku abuurtay dadka degaanka, intastoo deegaano kale oo fatahaad ka sameeyay.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*