RWasaare Kheyre oo Canaan kala dul dhacay Dalalka taageera Dowlada Somalia

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa beesha caalamka ugu baaqay in si deg deg ah ay uga qayb qaataan dadaalladaloogu gurmanayo deegaannada dalka ee fatahaaddu dhibaatada badan ka geysteen.

Warqad uu u  diray Raysal Wasaaruhu dhamaan dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah, ayaa uu ku  sheegay in dowladda Soomaaliya  ay bixisay jawaab deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto, hase yeeshee xaalladda hadda taagan ay u baahantahay in si wadajir ah leysaga aga kaashasho, maadaama ay jirto dhibaato aad u ballaaran.

Waxa uu sidoo kale Xasan Cali Khayre Raysal Wasaaraha Dalka uu  sheegay in daadadku ay saameeyeen  deegaaano ka tirsan Jubaland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, ay 85% magaalada Beledweyne ku fataheen, halkaasi oo ay ka jirto dhibaatada ugu badan

Mudane Xasan Cali Khayre oo adkeeyay in hadii si dhaqsa ah aan ficil loo qaadin ay xaaladu kasii dari karto, ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay inay maal geliyaan xalka waara ee mustaqbalka si looga gaashaanto dhibaatooyin dalka ku soo rogaal celiyay sanado ka dib

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*