SAWIRO:- Puntland oo olole balaadhan kawada Buuhoodle iyo Wasiir muhiim ah oo maanta gaaray.

Wefti Balaaran oo Uu Hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowlada Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabamcad Oo Gaaray Magaalada Buuhoodle Ee Xarunta Gobolka Cayn.

U-jeedka weftiga uu hogaaminaayo wasiirka wasaaradd arrimaha gudaha ayaa ah u kuurgalida xaalada nolosha ee gobolla cayn iyo dhismaha golaha deegaanka ee degmada.

Weftiga uu hogaaminaayo wasiirku ayaa waxaa ay kala yihiin Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Haweenk. agaasimaha Waaxda Dimuquradiyeynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Madax kale weftiga ayaa marka ay gaaray degmada Buuhoodle waxaa meel magaalada ka baxsan kusoo dhaweyey shacabka ku dhaqan magaalada sidoo kale waxaa wasiirka soo dhawayntiisa ka qayb Qaatay Gudoomiyaha Gobolka cayn maamulka degmada iyo masuuliyiinka tirsan golaha wasiirada Dowlada Puntland oo Maalmahan Ku Sugna Magalaada Buuhoodle, Wasiirka ayaa salaan sharaf ka Qaatay Cutubyo ka Tirsan Ciidamada Difaaca Puntland e gobolka cayn.

Gabagabadii Wasiirka oo saxaafada kula hadlay Bartamaha Magaalada ayaa ka warbixiyey safarkiisa Wasiirka ayaa sheegay in uu kulamo kala duwan la qaadanayo qaybaha kala duwan ee bulshada Buuhoodle.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

2 Comments

  1. Maxamuud Saleemaanland miyaad ka waddaa puta land,wax puta land layiraa maa jirto, 3 wiil oo wada xanaaqsan oo walaalo ah ayaa maamul ku sheeg suubistay, wax kale maa haysaa, Buuhoodle maxaa ka khuseeya Maxamuud Saleemaan?

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*