SAWIRO:- RWasaare Kheyre oo si aan caadi ahayn uga qayb galay shirka IMF iyo Bankiga aduunka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa Magaalada Washington ee Caasimadda Dalka Mareykanka uga qeyb galay shirka miiska wareegsan ee Bangiga iyo hey’adda Lacagta Adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu shirka ka jeediyay waxa uu uga hadlay guulaha laga gaaray qorshaha deyn cafinta Dalka iyo sida ay Dowladda Soomaaliya uga qo’antahay buuxinta shruudaha ku xiran in Dalka deynta laga cafiyo.

Wasiirka Maaliya Xukumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo kulanka ka qayb galay ayaa sheegay in Xukumadiisu balan qaaday in ay sii hagaajinayso nidaamka Maaliyada Soomaaliya.

“Madaxdii caalamka ee shirka ka soo qeyb gashay waxay nala qireen in aan guul muhiim ah ka gaarnay horumarinta iyo hufnaanta Maaliyadda Dalka, anagana waxaan balan qaadnay sii wadida dadaalka lagu horumarinayo Maaliyadda Soomaaliya” ayuu yiri wasiir Bayle.

Dhanka kale Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika Tibor Nagy ayaa magaalada Washington kula kulmay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyagoo ka wada hadlay horumarka laga sameeyay arrimaha deyn cafinta dib u habeynta Amniga.

sidoo kale waxay ka wada hadleen muhiimada ay leedahay horumarinta Federaaleynta iyo diyaarinta doorashooyinka sanadka soo socda.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Dowladda Ingiriiska ayaa xubnihii ka qayb galay waxa ay Dowladda Soomaaliya u rajeeyeen dib u soo kabashadda dhinacyadda Amaanka iyo Nidaam Maaliyeed oo hufan, waxa ayna ballan qaadeen in ay sii wadayaan taageerada iyo Garab istaagga Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*