Sheekh Shariif Iyo Xasan Sheekh oo Kismaayo Kusii Jeeda Hada

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in Magalada Kisamayo ee Gobolka Jubbada Hoose ay tagaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud.

U jeedada safarkooda ayaa ah sidii ay uag qeyb-geli lahaayeen Xaflada Caleema saarka Axmed Maxamed Islaam oo Baarlamaanka Maamulkaas ay markale u doorteen Madaxweynaha Jubbaland.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ayaa Bishaan lagu xayiray Garoonka Muqdisho xilli uu doonayay in uu u dhoofo Kismaayo,taas oo xiisad siyaasadeed abuurtay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore tegi doona Kismaayo,iyada oo isla maanta uu Muqdisho ka ambabixi doono Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya.

Magalada Kismaayo Wararka naga soo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socoto qaban qaabada soo dhawyenta wufuuda kala duwan ee ka qeyb-galeysa Xaflada Caleema saarka oo uu kamid yahay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Goordhow ka duulay Garoowe.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

4 Comments

  1. Xassan Xoolo laba jeer ayu yimi kismaayo
    Mar waxay ahayd 1993 waa wakhtigi uu ahaa Guddoomiyaha ”HAWIYE ACTION GROUP ”’
    Marna waxay ahayd isago madaxweyne ah oo wata ninki waalna ee mareexaan ”’ Bare Huuraale ”’
    si uu dagaal ugu qaado Ahmed Madoobe

    Maanta wuxu tegaya isago aan waxba ahayn laakin isku Dir iyo kala Dir wada, waana sidi looga bartay beesha hawiye.

    Shiikh Shariif Mar keliya ayu tegay kismaayo waa marki uu aha Maxaakiimti ”’ al-shabaab qarsoon ”’ ka dibna isaga la baacsanayo ayu hore uga sii gudbay oo wuxu isu dhiibay C.I.A maraykanka.
    Hadana wuxu tegaya isago wada Lugooyo iyo isku dir iyo kala dir waana wixi looga bartay madaxda beesha USC.

  2. Dab La Ridey

    Alla maxaa Hawiye neceybku kula tegey. Sxb, marmarbaa la isticmaalaa istaraajiyada yidhaahdaa, ‘cadawgaaga cadawgiisu waa sxbkaa’.

    Hadaan Axmed Madoobe loo tegin oon caleemo saarkiisa si mug leh looga qeyb gelin rasmi noqon maayo. Madaxweyaashii hore, badhasaabyada Maamul Goleedyada kuwii hore iyo kuwa imika jooga inta u tegi karta, xildhaabo, wax garad iyo fanaaniinba. Intaasina waxey ka mid yihiin inta la rabo iney u markhaati kacdo oo ajiibto ayidana kursigaas uu dagaalka adag u Haley.

    Caqli xumidaa sxb, dad aad u baahan tahay ayaad rabtaa iney shaanbada kuugu dhuftaan Madaxweyneninada Axmed Madoobe, ayaad hadana caayeysaa. Kkkkk

  3. @ Ahmed

    Sxb Ma Xuma in Isaaqu ictiraaf u doonto Ogadenka.
    Armed madobe weligay ma caayin .waana ku faraxsanahay in aad hoos fadhidaan Absame.
    Waxa yaableh Isaaq oo Qabiil ah aya Absame oo Nation ah 10 Million ah ictiraaf ka Raadinaya.

    Caqli Caadiga ah ma Gasho sxb.

  4. Dab La Ridey

    Beryahan caqligii gabaansi ayuu kaa galay. Diiradii ayaq kaa luntay dharaarahan. Labo lugood dhexdooda ayaa hoos haahaabaneysaa. Kkkk Diirada waxa kaa khalkhaliyay waad garaneysaa. Kkk Xaarmaajo Soomai Maxamed oo dhanbaa uf ku lahaa. Imikana Daaroodkii laftirkiisa ayaa ufta Haya. Labadii baad isku keeni la dahay. Farmaajo isasoo raq ah ayuu Kursiga yimid. Meydkuisana waalaga qaadi doonaa meesha sxb.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*