Shuruudaha Ay Somaliland Ku Xirtay Wada-Hadalada Somalia Caqli-Gal Ma Yihiin?

Bishii September 2deedi 2019, ayaa golaha wasiirada Somaliland oo uu guddoominayey madaxweyne Biixi,

soo saareen war saxaafadeed ay ku sheegeen inay diyaar u yihiin bilawga wada-hadalo ay la galaan dawladda Xamar, laakiin waxay daba-dhigeen shan shuruudood oo ay ku xireen. Bal aan halkan ku yara tacliiqino shuruudahaas.

 

  1. In la helo goob dhexdhexaad ah iyo damaanad qaad rasmi oo caalami ah

In la helo goob dhexdhexaad ahi waa shuruud fudud (meelo badan ayaa la heli karaa); laakiin damaanad qaadka su’aalo ayaa ka furan. Ogoow Somaliland (SL) weli ma aha dal ka madax-banaan Somalia, sidaa darteed heshiis kasta oo dhexmara labada dhinac ma yeelan karo joog-caalami ah (international standing).

Ereyga damaanad-qaad waxa badi lagu isticmaalaa arrimaha deynta, arrinka laga hadlayaa se waa heshiis siyaasadeed. Kafaaladda (insurance) ugu wacan ee heshiis dhexmara Somalia iyo Somaliland u yeelan karaa waa in heshiiskaas labada dhinac laga ansixiyo baarlamanka DFS ee Xamar.

  1. In Somalia qirato in SL iyadoo dawlad madax-banaan ah ay la midowday Somalia 1dii Luuliyo 1960kii

Sida taariikhdu qorayso markii calanka Ingiriiska laga rogay Hargeysa 26kii June 1960kii, 33kii xildhibaan ee la doortay waxay toos ugu ambabaxeen Xamar, halkaas oo ay ku biireen golihii baarlamaanka ee Somalia bilaa shuruud; hal habeen dawlad kama ay noqon dhulkii British Somaliland.

Sidoo kale ma dhicin habraac, hab yaraadee, midow oo labada dhinac dhexmaray. Ereyga lagu suurayn karaa waa in British Somliland ku biirtay ama ku milantay Somalia 1dii Luuliyo 1960kii. Kolkaa shardigani waa shardi aan lugo taarikhi ah ku taagnayn.

  1. In Somalia wadahadaladaaanayu meteli karin shakhsiyaad ka soo jeeda Somaliland

Hore looma arag labo dhinac oo mufaawado ama gorgotan ku jira, oo hal dhinac u yeedhiyo dhinaca kale wakiiladaay soo igmanayaan. Anigaa kuu yeedhinaya cidda ku metelaysa waa dhacdo ugub ah oo ku cusub habraaca igmashada. Ka soo qaad uun shardi kale oo aan lugo caqli-gal ah ku taagnayn.

  1. In beesha caalamku Somaliland ula dhaqanto dal madax-banaan

Waa shardi loo jeediyey beesha caalamka, la leeyahay lama hadlayno Xamar ilaa aydin na aqoonsataan; mana aha shardi ku socda Xamar, cidda la wada-hadlayo. Cajiib.

Beesha caalamku miyaanay ahayn tii Hargeysa farta ugu fiiqday in aayaha SL yaalo Xamar?

Shardigana waa mid kale oo aan meesha qaban, isla markaana aan lugo macquul ah ku taagnayn.

  1. In haya’daha aan dawliga ahayn dhamaantood isticmaalaan astaanta calanka Somaliland

Sida shardiga 4aad ee kore, waa shardi aan khusayn Dawladda Federalka Somalia (DFS) iyo wada-hadalada toona. Hay’aduhu iyagu dal ma aqoonsadaan, waxay raacaan keliya qawaaniinta qaramada midoobay; kaas oo ah in SL ka tirsan tahay Somalia. Waa shardi kale oo aan lugo ku taagnayn.

SL ahaan waxaanu diyaar u nahay wad-hadalada, haddana waxaanu daba-dhigayaa shuruudo adag oo dhamaaantood ka fog maangalka, waxay tilmaamaysaa inay yihiin shuruudo aan marka horeba aad looga fiirsan.

Shuruudaha noocan u dhigan ee is-wada  dabraya, ama maan-gadka ahi, waxay wax badan ka sheegayaan qorsho la’aanta iyo faham darrada villa Hargeysa ee ku aaddan wada-hadalka iyo xidhiidhka caalamiga ah.

Shacabka Somaliland iyagaa cid walba uga baahi badan wada-hadal midho dhal ah. Ilaah ha garansiiyo villa Hargeysa.

Wa bilahi towfiiq

Maxamuud Cabdillahi Axmed

Email: maxamuudaxmed@live.com

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

4 Comments

  1. Waa diidmo Heshiis ma rabaan dadkaan, waa carqaladeyn. taariikhdana been ayey ka sheegayaan, Goormey dowlad madaxbanaan noqdeen , yaa aqoonsadey Calanka laga taagey sow ma ahayn calanka Buluuga ah. Ingiriis habeenimuu gudey ee uu ka baxay, barasaabkii Hargeysa joogey Xamar buu tegey ,isaga oo sheegey in aaney hakaa ka dhisin wax dowlad ah ee ay yihiin dadkaas Gobolla Somali ah sida ay doorteen, qoraaladii ayaa la hayaa, odayaal wadaniyiin ah ayaa meesha joogey, u sheegey ingiriis in ay Xamar kubiirayaan iyo Somali. waxaan qaylinayaa taariikhda ayey been ka sheegayaan, mana soconeyso taasi ,mana rabaan heshiis.

  2. ASC.
    Waa sheeko raqiisa waxay soo qoreen.soomaalilaan waa gobal ka mida soomaaliweeyn.Hase ahaatee reer soomaalilaan way u dacwoon karaan xaq ay leeyahiin oo ka maqan.Dawlad gaara baan nahay iyo hanala aqoonsado waa waxaan waxba ka hirgali doonin.Haddii hargeeysa loo aqoonsado dawlad buuxda waa khasab in Jig-jiga iyo Gaariso ayana loo aqoonsado dawlado kale.

  3. Danta Somaliland waxay danta ugu jirtaaa in aala wada hadal.. Zoo malia sidaa udaa u waalato. inta Zoomalia waalan tahay waxaan dhisaynaa qaran Somaliland oo xoog leh.

  4. Danta Somaliland waxy ku jirtaaa in aan la wada hadal… inta Zoo maliaya , waalan tahay is qarxinayso waxaan dhisaynaa qaran Somaliland oo xoog leh

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*