SIR LA HELAY:Uhuru oo Soomaaliya kala kulmaya madax-xanuun la mid ah midkii ay aabihii ku haysay.

Wargeys ka soo baxa Kenya, The East African ayaa warbixin falanqeyn ah ka qoray sida Soomaaliya ay “saameyn ugu yeelatay” maamulka Uhuru Kenyatta iyo midkii aabihii Jomo Kenyatta.

Warbixinta wargeyska:

Soomaaliya waxay u muuqataa in hadda ay madax-xanuun ku tahay Uhuru Kenyatta, mana fududa in la maareeyo dhibaatada deriskaaga, sida uu aabihii horey u ogaaday.

Waxaa suuragal ah in Uhuru uu u baahan yahay xikmaddii aabihii ee heshiisyada diblumaasiyadeed ee qorsoon, si uu khilaafka xuduudda ee hadda tagaan u maareeyo.

Siyaasaddii arrimaha dibadda ee aabihii waxay ku saleysnayd cabsidii dagaal ee Soomaaliya uu ka qabay – taasina waa waxa laga helay warqadaha keydka ku jira.

Si dalka Kenya uu u difaaco, Jomo Kenyatta wuxuu wakiishay Bruce McKenzie iyo Charles Njonjo si ay u hoggaamiyaan wadahadallada military ee Britain lagula heshiiyay, kaas oo loo garanayo “Isfahankii Bamburi”.

Wuxuu heshiiskaas ka helay xaqiijin ah in haddii Soomaaliya oo taageero ka heleysay midowgii Soviet ay dagaallamaan, in ay Britain soo farageliso. Balse ma ahayn madow iyo caddaan.

Sida heshiiskaas lagu gaaray waa sheeko diblumaasiyadeed ee xilligii Dagaalkii Qaboobaa, waa midda dhalisay xiriirka gaarka ah ee siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka Kenya ee UK.

Ballanqaadyada

Wax yar ka dib xurriyaddii Kenya – 1964 – Dowladdii Jomo waxay dalbatay diyaarado dagaal sida kuwa loo garanayo Hunter iyo BAC Strikemasters oo ay u dooneysay militariga si ay uga hortagaan dhibaatadii burcadda loo yaqaannay shuftada.

“Ma bixin kartid qarashka,” sida uu Kenyatta u sheegay Duncan Sandys, oo xilligaas ahaa Xoghayihii Britain ee dalalka Barwaaqa Sooranka ah.

Balse waxaa loo xaqiijiyay, si hadal keli ah, in Britain ay u soo gurman doonto Kenya haddii Soomaaliya ay weerar soo qaaddo.

Heshiiskaas waa midka loo garanayay “isfahankii Sandys”, wuxuuna macnaha u kala duwanaanayaa dadka kala gedisan.

Iyadoo kuwa shuruucda dejiya ee Britain ay u arkayeen ballanqaad aan u kala caddeyn dal ku cusbaa waddamada Barwaaqa Sooranka ah, haddana Jomo Kenyatta wuxuu u ahaa heshiis – wax uu isku halleyn karo.

Taas waxaa lagu muujiyay warqad ay diyaariyeen guddi uu shir gudoomiyay Kenyatta, bishii January, 1966, taas oo qeyb ahaan si khalad ah loogu yiri “diyaaradaha dagaal ee qumaatiga u kaca ee Britain ayaa diyaar ku noqon doona 24 saac gudahood, iyo ciidamo kooban oo kuwa lugta ah ayaa na soo gaari doono 48 saac ka dib marka Soomaaliya ay ku soo xadgudubto xuduuddeenna”.

Bilo ka dib shirkaas, madaxweyne Jomo Kenyatta wuxuu London u diray wasiirkiisii Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha, Bruce McKenzie, si uu ula kulmo Xoghayihii Difaaca ee Britain Denis Healey.

Si xun u fahmid

Mr Healy gacan wanaagsan kama uusan geysan arrinta Soomaaliya. Warqado ku muddeysan 14-kii bishii May 1966, waxay muujinayaan in markii McKenzie uu ka hadlay “isfahankii Sandys”, uuna sheegay in boqortooyada ay u damqaneysay (balse) waajibaad aan warqadna ku qorneyn ma aysan ahayn arrin macna darro ah, marka xiriirka caalamiga ah loo eego”.

Taas waxay walaac ku abuurtay Kenyatta iyo dadkii ku xeernaa, kaas oo ahaan in Soomaaliya ay keligood wajahayaan, iyo in sidii ay u fahmeen ballanqaadkii Britain ‘ay suuragal tahay’ in uu qalad ahaa.

Mar kale, in kastoo dhiirranaan ay ka muuqatay, haddana Jomo Kenyatta wuu ogaa in ciidamada Kenya aysan foodda dari karin cidamadii dowladdii uu hoggaaminayay Aadan Cabdulle Cusmaan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya wuxuu shaaciyay in aslanba aysan hannaan diblumaasiyadeed la galeyn Kenya.

Kenyatta, wuxuu si qarsoodi ah ugu jeestay dadkii uu aaminsanaa si ay shaqada u qabtaan: nin ka tirsanaa xisbigii Kanu, Joe Murumbi, Xeer ilaaliyihii Guud Charles Njonjo, Bruce McKenzie iyo wasiirkii dhaqaalaha James Gichuru.

Si loo fahmo “isfahankii Sandys” madaxweyne Jomo Kenyatta wuxuu Britain u diray McKenzie iyo Njonjo si ay ula kulmaan ra’iisul wasaarihii xilligaa ee UK, Harold Wilson, bishii November 11, 1966, kaas oo dhowr bilood uun xilka hayay.

Heshiiskii Militari

Wilson wuxuu qoray labada shey, iyo midkii horey loogu garanayay “isfahamka Sandys” in laga dhigo wax rasmi ah oo warqad ku xusan lana gaarsiiyo madaxweyne Jomo Kenyatta.

Njonjo wuxuu ra’iisul wasaaraha u sheegay in “uusan raadineyn ballanqaad rasmi ah, balse mid aan dhab ahayn oo ah in Kenya ay Britain weydiisato caawin haddii ay weerar kala kulanto Soomaaliya, in ay hubaan in taas ay helayaan”.

Waxay ahayd qaab u muuqday ballan qaad shakhsiyadeed, dadka arrinta maamula ee Lonodn ku suganna waxay u muuqdeen kuwo ku faraxsan in ay baalmaraan Safaaradda UK ee Nairobi.

Golihii wasiirada Kenyatta, waxaa la fahansiiyay in ay aaminaan in heshiiska militari uu xaqiiq ahaan jiro balse uu afka uun ku egyahay.

McKenzie wuxuu sida dhabta ah u sheegay ra’iisul wasaarihii Briatin, sida ku xusan warqadaha keydka ku jira, in “marka laga reebo madaxweyne Kenyatta, Njoroge Mungai, Njonjo iyo isaga, in inta kale ee wasiirada ay aaminsan yihiin in uu heshiis jiro”.

Balse, diiwaankii Britain marka la eego, ma jirin warqad uu ku qoran yahay “isfahankii Sandys”. Iyadoo khilaafkii Soomaaliya kala dhexeyay uusii xoogeysanayay, qaar ka mid ah saraakiishii dowladdii Kenyatta waxay ku dadaaleen in wax caddeyn ah aan la helin.

Kaalmada

Laba bilood ka dib kullankii Harold Wilson ee uu la yeeshay McKenzie iyo Njonjo, shir kale oo sir ah waxay xafiiska Dalalka Barwaaqa Sooranka kula galeen George Thomas.

Kullankaas wuxuu London ka dhacay 13-kii bishii January 1967, wuxuuna ahaa in heshiiskii afka ahaa ee “isfahanka Sandys” loo baddalo wax warqad ku qoran.

Waxaa Kenya uga qeyb galay McKenzie, Gichuru iyo khubarada arrimaha dibadda ee Britain, kuwaas oo ku dooday in riixidda arrinta ay ahayd “boite de papier – qarsoodi iyo gebi ahaanba wax aan rasmi ahayn”.

Nuxur ahaan, “shaqaalaha Britain waxay isku deyayeen in ay ku guuleystaan wax aan macquul ahayn – Ballanqaad aan fulin lahayn”, sida uu mid khubarada ka mid ah sheegay.

Waxaan ogahay ayaa ah in qoraal rasmi ah la qoray, iyo in 25 Bishii January, 1967, safiirkii Britain ee Nairobi fadhiyay, Edward Peck, uu aaday Mombasa, ka dibna uu tagay gurigii Kenyatta ee Bamburi, meeshaas oo ah goobta lagu qoray heshiiska maanta loo garanayo “isfahamkii Bamburi”.

Wuxuu si fudud ugu qornaa: “Haddii Kenya ay ahaan lahayd dhibanaha gardarada dibadda ee Soomaaliya, Dowladda Britain waxay si degdeg ah uga fiirsan lahayd xaaladdaas. Inkastoo dowladda Britain aysan si hordhac ah u ballanqaadeyn in garab degdeg ah ay siineyso Kenya, haddana waxaa suuragal ah in Britain ay raadineyso taageeridda Kenya haddii xaalad qorsheysan iyo weerar gardaro ah ay kala kulanto Soomaaliya”.

Dib u gorgortamid

Wuxuu ahaa heshiis shakhsiyadeed oo dhexmaray Harold Wilson iyo Jomo Kenyatt. Markii uu ku guuldareystay doorashadii Britain, waxaa ra’iisul wasaaraha cusub noqday Edward Heath oo ka tirsanaa xisbiga Conservative, bishii June 1970.

Mas’uuliyiintii Kenya waxay dib ugu noqdeen miiska wadahadalka.

Mar kale, McKenzie – oo markaas ka tagay golihii wasiirada ee Kenyatta – wuxuu qaban qaabiyay kulan ay isaga iyo Charles Njonjo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kula qaataan Heath.

Xafiiska arrimaha dibadda iyo dalalka Barwaaqa Sooranka wuxuu ra’iisul wasaaraha u sheegay in Njonjo uu sido warqad ka socota Kenyatta oo weydiisanaya “dib u xaqiijinta dowladda cusub ee isfahamka Bamburi”.

“Dadka Kenya waxay muhiimad weyn u arkaan isfahamka Bamburi, wuxuuna madaxweyne Kenyatta si shakhsi ah qiimo weyn ugu arkaa xiriirka Ra’iisul Wasaaraha oo uu dareemayo in uu helayo markasta. Maadaama uusan ka bixi karin Kenya, sida keliya ee uu ku shaqeyn karo waxay tahay inuu soo diro mid ka mid ah wasiirradiisa sare oo sida farriin gaar ah. Njonjo waa qareen leh maskax nadiif ah, wuxuuna si daacadnimo ah farriinta dib ugu soo celin doonaa madaxweyne Kenyatta, wax kasta oo loo sheego,” ayaa lagu qoray warqadda loo diray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Warqad uu McKenzie u diray safaaradda Britain ee Nairobi wuxuu ku sheegay in rabitaanka Kenyatta uu yahay, maadaama dowlad Conservative ah ay dhalatay “in isfahamka dib looga wada hadlo”.

Maalgelinta

Balse London waxay dooneysay in isfahamka uu ahaado “wax aan caddeyn oo aanna adkeyn” – waa sida dhannkooda ay ka ahayd – wuxuuna McKenzie waqti ku qaatay in UK uu xasuusiyo in la siiyay xarunta RAF ee Kenya iyo in ciidamadooda ay ku tababartaan Nanyuki.

Balse Britain ma aysan dooneyn in xarrumahana lala xiriiriyo isfahamkii Banburi.

“Xarumaha difaaca ee xaqiiqdii aan ku naallooneyno kuma aynaan helin arrinta Bamburi, waana khalad in McKenzie uu soo jeediyo in ay sidaa tahay,” sidaas ayuu ku yiri diblumaasi sare E.G. Le Tocq, safiirkii Britain ee Kenya Sir E. Norris.

.

Ka dib markii Heath uu lumiyay xilka, uuna dib u soo noqday Wilson, bishii February 1974, Njonjo iyo McKenzie waxay labaduba u duuleen London si ay u soo qiimeeyaan baahiyaha militariga Kenya, waxaana horey usii raacay Anthony Duff, Safiirkii UK ee Kenya.

Xilligaas, awoodda militariga Soomaaliya ayaa xoogeysatay, waxaana jirtay in midowgii Soviet ay ku sugnaayeen Muqdisho iyo Yaman, taas oo cabsi weyn ku beertay Jomo Kenyatta.

Kenya, sida qiimeyntii xilligaa ka muuqatay ay ahayd, waxay militarigeeda ugu baahnayd £150 milyan oo maalgelin ah.

Balse waxay xilligaas Kenya awoodday £20 milyan oo pound oo keli ah, taas oo boqolkiiba 90% ay bixineysay Britain, si deyn ahaan ah.

Khiyaanada

.
Image captionRa’iisul wasaarihii hore ee Britain Harold Wilson

Balse, Harold Wilson, ka hor inta uusan isku deyin in uu caawiyo Kenyatta ayuu xilka iska casilay, 16 Bishii March, 1976.

Iscasilaaddiisa oo ka dhalatay ol’ole isaga ka dhan ahaa oo lagu fadeexeeyay, waxay sababtay in uu Ra’iisul Wasaare noqdo James Callaghan.

Kenyatta, wuxuu mar kale aad u doonayay in Callaghan uu ogaado isfahamkii Bamburi, wuxuuna 14 bishii May 1976-dii u diray London Njonjo oo la kulmay Callaghan. Waxay ahayd arrin degdeg ah.

Callaghan wuxuu xilka hayay laba bilood uun, waxaana miiskiisa ka buuxay warqadaha siyaasadda dibadda iyo dalalka Barwaaqa Sooranka oo ay ka mid ahayd – “isfahamkii Bamburi”.

Ugu dambeyn

Qoraalkaas waxaa hadda lagu keydiyay xarunta xusuusdhigga ee Kew Gardens — waana warqad muhiim u ah waxa Britain ay ka aaminsanayd khilaafkii Kenya kala dhexeeyay Soomaaliya, ama damaanad qaadka sirta ah ee Jomo Kenyatta uu u helay Soomaaliya.

Waxa aan arrimaha oo dhan ka aragno waa in isfahamkii Bamburi uu ka dhashay xiriirka hadda ee Kenya iyo UK iyo in dad yar oo saaxiibbo ah ay si sir ah u hayeen faafaahinta.

Nuxurka marka laga eego, arrinta Soomaaliya waxay Kenyatta u fududeysay inuu dhiso xiriirkiisii Britain. Balse haddii uusan waxba ka heli lahayn, waxaa suuragal ah in Kenya ay sannado ka dib u wareegi lahayd dhanka Mareykanka, ayna kaalmo militari waydiisan lahayd.

Uhuru Kenyatta ayaa hadda wajahaya madax xanuun kale oo Soomaaliya kaga imaanaya, kaas oo aabihii uu kala kulmay. Haddaba muxuu sameyn karaa?

BBC Ayaa Qortay

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*