Somalia oo Dal kuyaal Yurub ka caawisay kahortagga fal dhibaato badan geysan lahaa “Weerar argagaxisanimo”

Dowladda Holland ayaa sheegtay in ay fashilisay Weerar Argagixiso oo ay damacsanaayeen shabakad ka tirsan Ururka Daacish.

Saddex qof oo lagu soo eedeeyay dilka Muwaaddiniin British ah, afduubka kuwo kale iyo qorsheynta weerarro ay ka geysan lahaayeen gudaha Netherlands ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla dalkaas.

Xubnaha lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Daacish ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Aslam del Vecchio, Fatima Patel iyo Ahmad Mussa .

Maxkamadeyntooda ayaa dib loo dhigay markii Dacwad oogayaasha ay dalbadeen in dib loo dhigo ilaa Bisha February ee sanadka 2020ka.

Dowladda Netherlands ayaa sheegtay in la tuhmayaasha faahfaahintooda Bangi ay muujineyso warbixin Soomaaliya la xiriirta,waxaana lagu saameynayaa baaritaan dheeraad ah oo ay wadaan Netherlands iyo Soomaaliya si warbixin dhameystiran looga helo kiiskooda.

Hayeeshee Maxkamadda ayaa u sheegtay in ay heystaan ilaa Bisha Novermber dhamaadkeeda soona sababeeyaan sababta ay ku dalbanayaan dib u dhigidda ilaa sanadka soo socda ah.

Magacyada dadka ay dileen ee u dhashay Waddanka Ingiriiska ayaa waxaa lagu kala sheegay Rachel iyo Rodney Saunders,waxaana lagu sheegay in ay dileen Bishii Februay ee sanadkii 2018ka.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*