Uhuru Kenyatta oo gudaha dalkiisa looga cadaadinayo inuu somalia kala baxayo ciidamadiisa katirsan Howlgalka AMISOM.

Siyaasiyiinta mucaaridka ah iyo dadweynaha dalka Kenya ayaa dalbanaya in Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya laga saar.

Dadka aragtidan soo jeediyay waliba su’aal toos ah weydiiyay Madaxwyenaha Kenya waxaa ka mid ah Sanator hore Boni Khalwale, kaas oo dalbaday in Ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya.

Waxaa uu soo jeediyay in Ciidamada difaaca Kenya ay muddo 8 Sano ah ku jiraan gudaha Soomaaliya islamarkaana sababihii ay u galeen aan wax natiijo ah laga gaarin.

Boni Khalwale , ayaa ku dooday in Ciidamada Kenya sababta loo geliyay gudaha Soomaaliya ay ahayd in ay AL-shabaab ka fogeeyaan dhulka dalxiiska Kenya iyo sohdinta labada dal laguna dagaallamo gudaha Soomaaliya.

Waxaa uu intaas ku daray in Al-shabaab ay weerarro khasaare badan geystay ka wadaan Dalka Kenya, Ciidamo farabadan oo Kenyaan ahna naftooda ku waayeen gudaha Kenya iyo gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayuu ugu baaqay in Ciidamada Kenya uu ku celiyo sohdinta halkaasna ka ilaaliyaan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.

Ciidamada Kenya ayaa gudaha Soomaaliya sharci darro ku soo galay sanadkii 2011kii,waxaana laba sano kaddib qeyb ka mid ah lagu daray AMISOM halka inta kale ay wali ku jiraan gudaha Soomaaliya.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*