WAR DEG DEG AH:Madaxweynaha Puntland oo Sameeyey Amar Dowlada Faderalka Kusoo Rogtey kana Baaqday Kismaayo

Warar Ana La Xaqiijin Ayaa Sheegaya Inuu maanta Mar kale Dib Uga Dhacay Madaxweynaha Puntland Safar uu Ku tagi Lahaa Magaalada Kismaayo,Halkaasi oo Uga Qeyb Gali lahaa Caleema Saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa ka baaqday safar uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Madaxweyne Deni ayaa dib uga dhacay safarkaas ka dib markii diyaarad ka qaadi lahayd magaalada Boosaaso ay ku wargelisay inay sii marayso magaalada Muqdisho ee xarunta dawlada federaalka ah.

Deni Ayaa Doonayey Diyaarad Nairobi ka Timaada Inuu Toos Ugu Raaco magaalada Kismaayo,balse Diyaaradaasi Ayeyna maanta U Suuroobin Ayey Wararka Sheegayaan.

 

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

1 Comment

  1. War anagaa wax aragnay. Ma hadday magaalooyinka Soomaaliya oo loo kala dhoofo isu beddeshay wax cajiib ah sida dad dalal col ah u kala safraaya?

    Ma u maleynayo inuu Siciid Deni waayi karo sifo uu Puntland iyo Jubbaland ugu kala safro oo Muqdisho na waxba kama qaadi karto dayaarad Puntland iyo Jubbaland u kala duulaysa.

    Saxaafadda soomaaliyeed hadda waxeedu waa ka daroow say ii la muuqato. Faduusha hala joojiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*