Wararkii Ugu Danbeeyey DAAWO VIDEO:Xildhibaanada Mooshinka Ka wada Madaxweyne Deni oo Xilka Qaadis Ku Hanjabey

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa aad u dhaliilay siyaasada ay ku Shaqeyso Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Shirkooda ayaa waxaa ay ku sheegeen in Sagaalkii Bilood ee uu xilka haayey uu qaaday ay dhamaantood ahaayeen kuwo baal marsan sababihii loo doortay,isla markaana uusan fulin balan qaadyadii uu sameeyey xilligii lagu jiray doorashada.

Mid kamid ah xubnaha Baarlamaanka Puntland oo u hadlay Xildhibaannada ayaa sheegay in Maamul goboleedyada ay kamid tahay Puntland ay diidan yihiin ku dhaqmida nidaamka federaalka ee xilligaan dalka ka jira.

Waxaa uu sheegay in maalma kahor ay deegaannada Puntland tageen Wasiiro katirsan Dowladda Federaalka,hayeeshee dhamaan go’aanadii ay ula yimaadeen ee ahaa xalinta khilaafka dowladda iyo Puntland uu ka qaatay go’aan kaligiis oo aan kala tashan Xildhibaannada iyo Odayaasha Dhaqanka Puntland.

Ugu dambeyn waxaa uu ku dhaliilay ka qeyb-galka Xafladii Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland,waxana uu ugu hanjabay inay kalsoonida kala laaban doonaan hadii uusan joojin tallaabooyinka uu qaadayo.

Hoos Video Muuqaalka Daawo

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

3 Comments

  1. Waa caada qaatayaal, Dani waa nin jilicsan. kuwaan waxa loo baahnaa in uu cagta maruyo. waa kuwii asaga dad ahaan u xigeyy waxa dhibka wadaa. iimaankey la,yihiin musuq iyo waxaan dadka Puntland ka raali aheyn bey wadaa, waa in uu iska qabtaa. la garaacaa. Xaaraanta.

  2. axmed raggaan aad caayayso sow ma ogid inay iyagu yihiin kuwii u codeeyay Deni oo codkooda uu madaxweyne ku noqday tan kale Deniyoow arrimihii aad ololaha doorashada ku gashay oo aan codka kugu siinay ka shaqee oo fulli hadii ay madaxweynihii ay doorteen ku yiraahdeen ma aflagaado iyo dil miyey muteysanayaan marka sow arrintu ma noqoneyso in Deni uu xoog ku qabsaday xukunka oo aan la dooran oo wuxuu doono sameyn karo ma yaan laga hadlin ayaad leedahay dhibka shacabkii soo doortay Xildhibaanadaan ay u soo gudbiyeen hadaba maad iska xirtid baarlamaanka iyo matalaada shacabka hadii aad dooneyso inaad tiraahdo meesha waa keligii talin oo cidii hadasha waa in la garaacaa oo la xiro yaab soomaalidu wax walba gadaal gadaal ayay u akhriyeen.

  3. Asc wr wb waxaa wax lalayaabo ah nacaskaan wata Ahmed ee iska dhigaayo nin wax wacan inoo segregation.
    Baarlamaanka puntland iyagaa ka masuul an shacabka puntland hadday daacad u ahaan lahaayeen shacabka puntland Deni iyo gaasba waa ceerin lahaayeen maxaa wacay labadaba waa tuugo gatay dekeda boosaso iyo garoonka boosaso. Marka ceriya deni waa tuug ushaqeeya xassan culusoww.
    Mooshin ku Rida Deni khasaaro.
    Guul puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*