Xaaskii U Doonanayd Jamaal Khashoggi oo Goobti Ninkeeda Lagu Diley Ku Oydey Lagana Kaxayn Waayey

Munaasabad duco ayaa waxaa magaalada Istanbul loogu qabtay weriyihii reer Sucuudi Carabiya, Jamaal Khaashuqji, kaas oo sanad ka hor lagu dilay dalka Turkiga.

Khaashuqji oo ahaa ahaa weriye caan ah oo dhaliila dowladda Sucuudi Carabiya ayaa howlwadeenno Sucuudi ah waxa ay ku dhex dileen qunsuliyadda boqortooyada ee magaaladaasi Turkiga ku taal.

Haweeneyda u doonnaneyd Hatice Cengiz ayaa waxa ay munaasabadda ducada ay ka sheegtay inay weli cadaalad doonayso.

Halkani Riix Video

Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa waxa uu iska fogeeyay inuu wax lug ah ku lahaa dilka, hasayeeshee khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ku baaqeen in ninkaasi la baaro.

Warbixin ay soo saareen bishii Juun ayey khubaradu dilkaasi ku tilmaameen “mid sharci-darra ah oo laga sii shaqeeyay”.

Axaddii ayuu Maxamed bin Salmaan uu sheegay inuusan shakhsiyan isagu amrin in la dilo Khaashuqji, hasayeeshee uu hogaamiye ahaan qaadanayo guud ahaan mas’uuliyadda dilkaasi.

Dacwad oogayaasha Sucuudiga ayaa waxa ay dacwad ku soo oogeen 11 qof oo ay sheegeen inay ku lug lahaayeen “howlgalka arxandarra ah” ee sababay dhimashada Khaashuqji.

Shan ka mid ah raggaasi ayaa waxa ay dacwad oogayaashu doonayaan in dil lagu xukumo.

Hasayeeshee hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa waxa ay sheegaysaa in maxkamadeynta aanay gaarsiisnayn heerarka caalamiga ah iyo in mas’uuliyiinta Sucuudiga ay “hor istaageen isla xisaabtanka dhabta ah”.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*