Xubno ku dhaw xafiiska Muuse Biixi oo lagu arkay Xafladda CaleemasaarkaAxmed Madoobe.

Sawiro laga soo qaaday xafladda caleemasaarka madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa lagu dhex arkay xubno katirsan xisbiga haya talada somaliland ee Kulmiye.

Agaasimihii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland, Maxamed Aadan Ilkacase ayaa ka soo dhex muuqday caleema-saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somaliland iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa horey u sheegay in ay wafti u dirayaan Caleema saarka Axmed Madoobe.

Mudane Ilkacase ayaa ka tirsan Xisbiga Kulmiye isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii Somaliland soo maray.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here