YAABKA:Kenya oo Nin dhintay sannad ka hor xil Sare U magacowday

Nin dhintay sannad ka hor ayaa si khaldan loogu magacaabay inuu xil sare ka qabto guddiga maamulo aflaamta ee dalka Kenya, sida ay sheegtay dowladda.

Robert Kochalle wuxuu dhintay bishii May ee sannadkii lasoo dhaafay, wuxuu kamid ahaa saddex qof oo loo magacaabay inay hogaamiyaan guddiga maamulo aflaamta Kenya ee KFCB , guddigaas oo maamulo filimada iyo waxyaabaha la baahiyo.

Baraha bulshada waxaa qabsaday hadal heynta ku aadan ninkan dhintay ee xilka loo magacaabay, dadka qaar waxay sheegayaan in arrintani ay caddeyn u tahay habacsanaanta ka dhex taagaan maamulka ha’yadaha dowladda.

Balse, madaxa fullinta ee guddigga KFCB, Ezekiel Mutua wuxuu sheegay in khaladaadka yar ee dhacay la bunbuuniyay.
Wuxuu sheegay in khaladaadka horseeday in nin xil sare loo magacaabo uu ka dhashay isku dhex yaac harreeyay maamulka waaxdaas kaddib markii laanta maamulka filimada ee KFCB la hoos geeyay wasaarad kale.

Qaar kamid ah shacabka Kenyaanka ee isticmaala baraha bulshada ayaanan ku qanacsaneyn sharraxaadka uu bixiyay Ezekiel Mutua.

Halka qaar kalena ay la yaaban yihiin in ninkan la hubin karay si isaga loola socodsiiyo in jagada loo magacaabay waa haddii uu noolaan lahaa.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*