Ciidamadii ugu badnaa oo ka goostay Axmed Madoobe ayaa ku biiray Dowladda Somalia.

Wararka ay heleyso Marqaannews ayaa sheegaya Illaa 200 oo askari oo ka tirsanaa ciidamada Darawiishta Jubbaland in maanta ay ku biireen ciidamada Milatariga Soomaaliya ee G/Gedo.

Ciidamadan oo ka howlgalayey degmada Beled-Xaawo ayaa u wareeygay dhanka degmada Luuq oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamadaasi ay wadahadal la galeen ciidamada Itoobiya, kadibna laga dalbaday inay ka mid noqdaan kuwa dowladda Soomaaliya.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii dambe ay taagneyd xiisad u dhexeysay dowladda iyo Jubbaland, taas oo ka dhalatay doorashadii maamulkaasi.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*