Culimada Muqdisho oo garab siiyay Shiikh Umul iyo Soomoow oo fariin loo diray + Muxaadarada oo dhaceeysa?

Qaar ka mid ah Culimadda Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Sheekh Soomoow uusan ahayn mid ay la qabaan culimada Soomaaliyeed ee uu kaga hadlay Muxaadaro lagu wado in uu Muqdisho ku qabto Sheekh Umul.

“Hadalka ka soo yeeray Sheekh Soomoow ma ahan mid u ku matalayo culimada ee waa kalima ra’yigiisa ah, haddii Sheekha uu wax tabanayo ama su’aal uu qabo waxay ahayd in uu culimada Soomaaliyeed la soo xiriira, Sheekha in uu ku degdego arrin noocaas ah ma ahayn”, ayuu yiri Sheekh Bashiir oo ah guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed.

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay arrintan dhankiisa  sheegay in eedeemaha loo heysto Sheekh Umal aysan waxba ka jirin oo aanan loo heynin wax cadeyn ah.

“Hadalada Sheekh Soomoow uu ka sheegay Sheekh Umal waxay dhaawacayaan wixii Sheekh Umal uu ka mudnaa Soomow iyo ummadda Soomaaliyeed iyo gargaarkii uu Sheekh Umal u fidiyay dadka Soomaaliyeed, Sheekhaa waxaa uu keenay 330 kun oo doolar oo uu soo uruuriyay dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, Sheekh Soomow na waxaa uu meel uga dhacay dhaqanka Soomaalida”, ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sheekh Soomow ayaa dhankiisa mar kale Jawaab ka bixiyay hadalka kasoo yeeray Culimadda Muqdisho, waxaana uu yiri “Anigu Umal waxaan ku heysto waa caqiiddo,warkeyguna gaf maahayn ee isagaa Nabiga NNKH u gafay oo caddeyn baan u hayaa,Sh.Bashiir iyo Sh.Cali-wajiis meeshay is-dhigeen waan ka xumahay ballantii la isku ogaa bay ka baxeen oo fikirkii lagu ballamay in dalka lagala dagaalamo bay dhiirrigalinayaan waana nasiib darro”

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

2 Comments

  1. waa wax laga shalayn doono, bal may dadkan maantay qabasho leeyihiine qabtaan, sow lama wada yaqaan oo lama wada oga sheekada hoose iyo sida shabaab loola haysto

  2. Waxaan qirayaa in iftihii Sheekh Umul ee sanadihii 2008-2009 markii Sheekh Shariif xukunka qabsaday inuu ka khatarsanaa noocyadii hubka ee ay isticmaalayeen kooxaha Alshabaab iyo Xusbul Islaam oo dawladda Soomaaliya awoodeeda lagu wiiqayey.

    Waxaan qirayaa In iftahaas uu shidaal u ahaa moralka wiilashii marin habaabsanaa ee umadda xasuuqayey, dhanka kalena dawladda ciidamadeeda layanyey.

    Waxaan qirayaa In wadaadkaas iftihiisii uu Nairobi ka soo dirayey In tobanaan kun oo dad muslim ah ay godka hoostiisa ugu jiraan, caruur badan ay u agoontoomeen, burbur hantiyeed iyo dib u dhac umadeed oo weynna uu sababey.

    Waxaan ugu danbayn ognahay In iftiha Sheekh Umul iyo kuwa kale oo Nairobi kula sugan in ay ka mid yihiin casharada alshabaabka cusub tababarada maskax dhiqidda iyo marin habaabinta ah ee la siiyo.

    Inkasta oo ay isbedeli karaan wadaadadii afkaarta gaalaynta ka faafinayey ciddii la macaamisha ciidamada AMISOM ayagoo wadamada ay ku nool yihiin la og yahey haddana In dadkii dhibbanaha u noqdey iftahooda ay tabasho kaliya soo gudbiyaan oo aysan dacwad kale ku furin, haddana la isku dayo In la afqabto waxaan u arkaa in ay qaldan tahay, wadaadada waxaas samaynaya ay muuqato In dhibka umadda ka soo gaarey iftihiisa ay kala weyn tahay kooxnimadu.

    Sheekh Umul iftihiisii dhibka uu noo geystay dawlad iyo shacab Soomaaliyeed ahaan waa inuu umadda horteeda uga cudurdaartaa, weliba asagoo taageero u ah Madaxda Villa Somalia oo ciidamada AMISOM oo gaalo ah ay ilaalinayaan, lagana yaabo meesha uu muxaadarada ku qabanayo In ay ayana ilaalinayaan kuwii uu murtidiinta ku tilmaamayey.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*