DAAWO:- Jabhadda Cawaale oo shaacisay xilliga uu bilaabanayo Duulaanka lagu Xurreynayo Gobolka Awdal “Geesiga dhulkiisa guusha uhorseeda..”

Bariga iyo Kuufurta deegaanada Maamulka Somaliland ayaa waxaa ku sii xoogaysanay Jabhado ka soo horjeeda nidaamka Maamul Madaxweynaha Maamulkaasi Muuse Biixe Cabdi iyo Xisbiga uu hoggaamiyo ee Kulmiye.

Jabhad la baxday Cawaale oo Saddexdii bilood ee ugu danbeysay ku jiray Bariga magaalada Boorama ayaa markii ugu horeysay waxaa warbaahinta la hadlay hoggaanka Jabhdan oo fariin u diray xukuumadda Somaliland.

Hoggaanka Jabhada ayaa sheegay in ay dagaalami doonaan iyaga oo ugu baaqay Shacabka ku dhaqan gobolka Awdal in ay digniintaa ka soo baxday dhayalsan, dhinaca kalana ugu baaqayaan dhamaan wixii Ajnabi ah ee ku sugan gobolka in ay si deg deg ah uga baxaan.

Sarkaal u hadlay Jabhada ayaa sheegay in ay jirto saan-saan colaadeed islamarkaana ugu baaqayaan xukuumadda Somaliland in ay u diyaar-garoowdo dagaal iga oo hadalkiisa ku daray in ay dhimasho diyaar u yihiin.

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland ayeey ku eedeeyeen in uusan aheyn madaxweyne guud Balse ay u arkaan in uu yahay madaxweyne reer kaliya ah waa sida ay hadalka u dhiggeen hoggaamiyaasha Kooxdaan.

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*