DAAWO MUUQAAL:Dhoobo oo Sir Mudo Qarinayey Sheegay”Deni Lacag Qaado oo Yes man Noqo Buu I Yiri”

Xildhibaan Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhooba-Daareed) oo khamiistii todobaadkii ay hore ay xildhibaanada baarlamaanka Puntland sheegeen in ay ka qaadeen xilka gudoomiye-nimada golaha ayaa hadal uu maanta ka jeediyey kulan wadatashi ah oo uu la yeeshay dadka deegaan doorashadiisa, wuxuu ka hadlay xaaladdaha siyaasadda.

Dhooba-Daareed ayaa ku dheeraaday Midnimada Puntland, sida ay waajibka u tahay, in la wada dhistay maamulka iyo in waxyaabaha dhacay oo dhan ay yihiin kuwa kasoo horjeeda ujeedooyinkii loo dhistay maamulkaas.

Wuxuu soo qaaday arrimihii dhacay, isagoo sheegay in lagu soo qaaday duulaan qorsheysan oo uu sheegay in ujeedada loogu soo qaaday ay ahayd in la waayo la xisaabtam Hay`addaha dawladda.

Halkani Hoose Video ka Daawo


____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

2 Comments

  1. Dhoobo iminka oo kale waxba lagaa qorimaayo
    Maxay ku kala duwan yihiin midabka aad ka soo
    Qaadatay N&N iyo tan Deni hadiiiba ay jidho
    Dhoobo safiirkii waa diyaar ama jago kle ee
    Cayaarta ka daa masaajidka de. Reer maakhirow
    Nin raad dameer dabagalay dentiisu moodey
    Khaatumo raaca dibad wareega barta qaraha iyo
    bariiska isku cuna calamo qaata cisho walba ceynad u ekaada
    camal kale idinkuma ogi calaha fuula sidii coomaadigii cubical
    iyo calool reemka badiya lkn canshuurtiina oo qura cunaha mariya

  2. ASC.
    Haddii uu Dhoobo yiri hadalka kor ku qoran laga aqrisan mahayo hadda.Waayo maxuu hadda ka hor u sheegi waayey?Dadkalena waxay leeyahiin Dhoobo waxuu Deni weydiistay lacago badan oo uu yiri markii ad aaday Dubay baa lagu soo siiyey malaayiin doolar ee wax igasii.Calaa kulli xaal hadalkaasu waa malaayacni oo cidina ka aqrisan mayso Dhoobo.Waa haddii uu yii.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*